4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 2 , 2017
Sayfullo Saipov oo lagu soo Oogayo dacwad la xiriirta dilka Siddeed Ruux

 

Khamiis, November, 02, 2017 (HOL) – Dacwad-oogayaasha federaalka Mareykanka ayaa dacwado argagixiso ku soo oogay nin kasoo jeedo dalka Uzbekistan oo ku eedeysan in uu sideed ruux oo rayid ah gaari ku jiirsiiyay Talaadadi magaalada New York.

Dacwadaha lagu soo oogay Sayfullo Saipov, ayaa waxaa ku jira inuu taageero maaddi ah siinayay koox argagixiso ah iyo in uu burburiyay baabuur.

Saraakiishi ku wareystay sariirta uu ka jiifo isbitaalka lagu daweynayo, ayaa sheegay inuu Saipov ku adkeystay inuu ku faraxsanyahay waxaa uu sameeyay.

Waxa kale oo uu u sheegay danbi-baarayaasha inuu qorsheynayay weerarka uu ka geystay New York muddo todobaadyo ah.

Sayfullo Saipov, oo ah 29 jir ayaa baabuur kuwa xamuulka qaada ah oo uu soo kireystay dul marsiiyay dad lugeynayay iyo kuwo ku socdaay bashkalooti oo marayay waddo mashquul badan oo loogu tala galay baaskiilada.

Booliska New York ayaa caloosha ka toogtay kadibna u qaaday isbitaal maxalli ah xili uu doonayay in uu baxsado.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]