4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 2 , 2017
Guddiyada Amniga iyo Difaaca baarlamaanka oo maanta shiraya

 

Khamiis, November, 02, 2017 (HOL) – Guddiyada Amniga iyo Difaaca ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta mar kale kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay kulan ka yeelanayaan xaalada amni ee dalka iyo sidii wax looga qaban lahaa amni darada ka jirta Muqdisho.

Kulanka Guddiyada Difaaca iyo Amniga baarlamaanka oo looga ka doodayo xaalada amni ee dalka ayaa waxa uu qorshaha yahay inuu si gaar ah uga dhaco Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah guddiga Amiga baarlamaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maanta ay kulan la yeelanayaan Guddiga Difaaca, sidoo kalena kulan ay horey ula yeesheen hay’adaha amniga in ay kaga soo qaateen warbixino, ayna horgeyn doonaan Baarlamaanka.          

Xuseen Carab Ciise oo ah Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhinaciisa sheegay in maanta oo Khamiis ah ay soo saari doonaan warbixin la xiriirta ammaanka, kadib markii maalmahan dambe ay kulamo la yeelanayeen Hay’adaha amniga.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Todobaadkan waxaa ay  mooshin la xiriira xaalada amni ee dalka u gudbiyeen Baarlamaanka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]