4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 2 , 2017
Puntland oo ka hadashay khilaafka ka dhashay Dekedda Boosaaso

 

Khamiis, November, 02, 2017 (HOL) – Wasiirka Dekeddaha ee dowlad gobolleedka Puntland Saciid Maxamed Raage oo la hadlay warbaahinta degaanada maamulkaasi ayaa faah faahin ka bixiyay khilaafka cirka isku sii shareeray ee u dhaxeeya ganacsatada Boosaaso iyo Shirkadda DP-world.

Wasiirka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la dejiyo xiisada, maadaama uu tilmaamay heshiiska lala galay DP-world in uu yahay mid sharci ah oo soo maray dhammaan hay’addaha Puntland.

Ugu yaraan labo ruux ayaa la xaqiijiiyay in ay ku dhinteen dibad baxa, halka kuwo kalena ku dhaawacmeen,waxaa sidoo kale burbur la gaarsiiyay goobo ganacsi.

Dekedda Boosaaso ayaa muddo todobaad Albaabada u laaban, kaddib markii ay la wareegtay Todobaadyo ka hor shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

Shirkaddan ayaa dayactir iyo ballaarin ku sameyn doonta Dekeda Boosaaso, waxaana tallaabada Maamulka Puntland uu ugu wareejiyay ka soo hor-jeestay qeybaha kala duwan ee bulshada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]