4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 18, 2017
Baarlamaanka Soomaaliya oo isku raacay in ay sharci darro aheyd go’aankii xukuumadda ee Qalbi -Dhagax

 

Sabti, November, 18, 2017 (HOL) – Kaddib kulan maanta ay ku yeesheen xarunta gollaha shacabka xildhibaannada baarlamanka oo warbixin ka dhageystay guddigii loo saaray Kiiska dhiibistii C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aankii ay xukuumadda ka qaadatay arrintan.

Guddoomiyaha Guddiga baaritaanka Kiiska Xildhibaan Cali Xoosh ayaa warbixin dheer ka hor akhriyay Xildhibaanada, isagoo xusay in heshiisyadii ay cuskatay Xukuumadda ee dowladdii hore gashay aanu aheyn heshiis isku celin maxaabiis.

Xoosh waxaa uu sheegay in heshiisyadaas ahaa mid iskaashi oo lagu xalinayay xaalado amni oo ka jira xuduuda, gaar ahaan ay wada galeen dowlad goboleedyada Soomaaliya iyo dowlad deegaanka Itoobiya.

Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in arrinta Kiiskan aan Madaxda dowladda laga siin macluumaad sax ah, taasoo u muuqata in Mas’uuliyadda dhiibistii Qalbi Dhagax in dusha laga saarayay Taliskii hore ee Nabadsugida.

Xildhibaanada ayaa warbixinta kaddib dood ka yeeshay, waxaana jiray Xildhibaano ka hadlay qaabkii lagu dhiibay Qalbi Dhagax in ay aheyd mid qalad, islamarkaana Madaxda warbixinta la siiyay ay aheyd mid qaldan.

Cod la galiyay doodda kaddib go’aanka xukuumada 152 Xildhibaan ayaa ogolaatay in uu sharci darro ahaa go'aankii xukuumadda, halka 6 ay diiday waxaa ka aamusay 3 Xildhibaan.

Akhriso Bayaanka guddiga :

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]