4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 17, 2017
Xaalada Bani’aadannimo ee Yemen oo laga deyrinayo

 

Jimco, November. 17, 2017 (HOL) – Qaramada Midoobe ayaa soo saaray codsi degdeg ah oo ay u jeediyeen xulufada uu Sacuudiga hogaamiyo ee dagaalka ka wada dalka Yamen.

Waxaa ay dalbanayaan hay’addaha gargaarka Qaramada Midoobey in sii buuxda oo sharuud ku xirneyn looga qaado cunaqabateynta iyo go’doominta dalka Yemen.

Waxaa ay sheegeen in go’doomintaasi ay halis galinayso noolasha Malaayiin qof oo dalka Yamen ku nool.

Madaxda hay’addaha UNICEF,WHO iyo hay’ada cunada aduunka ee WFP ayaa waxaa ay sheegeen in go’doominta qayb ahaan la qaaday horraantii todobaadkan aysan ku filnayn.

Hay’adahani ayaa sheegay in imika caruur badan ay halis ugu jiraan cuduro islamarkana ugu yaraan 20 milyan oo qof ay gargaar u baahan yihiin.

7 Milyan ayeey hay’adahu sheegeen in ay qarka u saaran yihiin macaluul iyo xanuunno kale ay adkaan doonto in marka danbe wax laga qabto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]