4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 17, 2017
Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo iska difaacay eeddo loo soo jeediyey

 

Jimco, November,17 2017 (HOL) – Komishanka Doorashooyinka ayaa iska difaacay waraaqo uu xisbiga WADANI soo bandhigay oo uu ku eedeeyey in dad gaar ahi soo daabacdayn oo lagu codaynayey, waxaanu arrintaasi ku tilmaamay mid aanay jirin.

Komishanka Doorashooyinka ayaa sheegay in uu dacwad ka gudbin doono cidii waraaqahaasi been abuur ah lagu qabto, waxaanu xusay in aanay waraaqaha lagu codeynayo aanay cidi arag,isla markaana aad loo adkeeyey.

Sidoo kale, waxay sheegeen inay cid kasta oo cabanaysa diyaar u yihiin, islamarkaana arrimaha ka cabanayaan la xalin doonnaan.

“Waxaanu wargalinay cid walba oo ka cabanaya ama cabasho qaban waanu dhagaysanayn sidii aanu horaba idin dhagaysan jirnay, cabasho walba albaabayadu way u furan yahay, cidii cabasho qabta diyaar baanu u nahay”ayuu yidhi Gudoomiyaha Komishanka C/qaadir Iimaan.

Waxaanu intaas ku daray “uma baahnin in uu wiil inaga dhinto, waxaana inoo dhacday doorasho qurux badan, marka waa in natiijadeedda la sugo, wixii sharci waafaqsan ee cabasho ah diyaar baanu u nahay in aanu xalino cid kasta oo qabto.”

Gudoomiyuhu wuxu sheegay in Doorashadani ahayd mid casri ah oo la adkeeyey nidaamkeeda iyo habkeedda, waxaanu usheegayna saddexda xisbi qaran in ay ku kalsoonaadaan shaqadayada sidii ay awal horaba ugu kalsoonayeen.

“Waxaa warbaahinta laga sheegay waraaqo ku shubasho ah ama saayid ah ayaanu meel ka helney qolo ku doodaysa, waraaqaha codeynta lama arag lama arki karo lamana foojar garayn karayn, sharciga la tiigsanayna cidii waraaqaha keenay ayey ku kooban tahay dacwad baanu ka qabna kamana hadhayno oo sharciga ayuu ku gafay, wax naga soo baxay wali ma jiraan.”ayuu yidhi Iimaan oo iska difaacayey eeddaha loo soo jeediyey.

Dadweynaha waxay usoo jeediyeen inay is dajiyaan oo aanay ka hor dhicin natiijadda soo wadan.

Xisbiga WADANI ayaa Komishanka ku eedeeyey inay ka qancin waayeen cabasho ay usoo gudbiyeen, isla markaana joojiyey wada shaqayntii ay la lahaayeen Komishanka, taas ayaana keentay in rabashaddo xalayba ka dhacaan dhawr magaalo, inkastoo markiba ciidanku joojiyey.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland