4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 17, 2017
Guddiga Doorashada Soomaaliland oo diiday in ku shubasho dhacday

 

Jimco, November. 17, 2017 (HOL) – Guddiga doorashada Soomaaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya doorashadii Isniintii ka dhacday Soomaaliland in xisbi gaar ah ku shubtay.

Guddoomiyaha guddiga doorashada C/qaaadir Imaan Warsame ayaa sheegay in ay qalad tahay dadka qaar in ay baraha bulshada soo dhigaan in ku shubasho ay dhacday, isaga oo tilmaamay in ay muhiim tahay natiijada in looga dambeeyo guddiga doorashada.

Guddoomiyaha waxaa uu intaa ku darray in Xisbi kasta oo cabasho qaba in ay diyaar u yihiin in ay xaliyaan, wuxuuna shacabka ka dalbaday in ay is dejiyaan.

Dhinaca kale dibadbaxyo khasaare sababay ayaa lagu waramayaa in xalay fiidkii ka dhaceen magaalooyinka Hargeysa iyo Burco kaddib markii ay isku dhaceen ciidamada iyo dad carreysan oo isku soo baxay.

Shaqaaqooyinkan, ayaa waxaa ay ka dambeeyeen markii ay soo baxeen warar sheegaya in Xisbiga Kulmiye uu ku shubtay doorashadii maalintii Isniintii ka qabsoomtay deegaannada Soomaaliland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]