3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 17, 2017
Dowladda Soomaaliya oo u digtay dad la sheegay in ay faafiyaan warar Amniga ka dhan ah

 

Jimco, November. 17, 2017 (HOL) – Wasiirka Wasaarrada Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa digniin u diray dadka ka shaqeeya faafinta wararka been abuurka ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in aysan aqbali doonin in la qal qal geliyo ammaanka dalka iyo in been laga sheego hay’ddaha ammaanka.

Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa sheegay in Wasiirka amniga uu golaha wasiirada ka hor sheegay in si adag loola xisaabtamayo dadka ka shaqeeya faafinta wararka been abuurka ah iyo kuwa amniga dalka lagu qal qal gelinaya.

Gollaha wasiirrada Soomaaliya ayaa maalintii shalay soo bandhigay magacyada 29 qof oo ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo lagu soo qabtay howlgal qorsheysan oo ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
11/17/2017 10:25 AM EST
Jimco, November. 17, 2017 (HOL) – Hoggaamiyihii kooxda Maafiyada Talyaaiga Salvatore ‘Toto' Riina ayaa ku dhintay isbitalka xabsi ku yaalla magaalada Parma, kadib markii uu muddo la dagaalamayey cudurka cancer-ka. Waxa uu ahaa 87 jir.

11/17/2017 9:41 AM EST
Jimco, November. 17, 2017 (HOL) – Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu horkacayo oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed iyo Xildhibaano ka tirsan maamulka ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

11/17/2017 6:24 AM EST
Jimco, November. 17, 2017 (HOL) – Maxkamad ku taaalla Jermalka ayaa go’aamisay in shirkadda diyaaradaha ee Kuwait Airline ay xaq u lahayd in ay diido in aysan qaadin muwaadin Israa’iil u dhashay.

11/17/2017 3:26 AM EST
Jimco, November. 17, 2017 (HOL) – Qaramada Midoobe ayaa soo saaray codsi degdeg ah oo ay u jeediyeen xulufada uu Sacuudiga hogaamiyo ee dagaalka ka wada dalka Yamen.

11/17/2017 1:31 AM EST
Jimco, November,17 2017 (HOL) – Komishanka Doorashooyinka ayaa iska difaacay waraaqo uu xisbiga WADANI soo bandhigay oo uu ku eedeeyey in dad gaar ahi soo daabacdayn oo lagu codaynayey, waxaanu arrintaasi ku tilmaamay mid aanay jirin.

11/17/2017 1:19 AM EST
Jimco, November 17, 2017 (HOL)- Magaalooyinka Burco, Ceerigaabo iyo Hargeysa ayaa xalay waxa ka dhacay mudaharaado lagu taageerayo xisbiga WADANI,isla markaana lagu eedeyanyo Komishanka Doorashooyinka.

11/17/2017 12:58 AM EST
Jimco, November. 17, 2017 (HOL) – Guddiga doorashada Soomaaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya doorashadii Isniintii ka dhacday Soomaaliland in xisbi gaar ah ku shubtay.

11/17/2017 12:48 AM EST
Jimco, November. 17, 2017 (HOL) – Dadka reer Zimbabwe ayaa rajo ka qaba in xal deg deg ah laga gaaro qalalaasaha siyaasadeed ee uu dalkooda ku jiro, xilli ay mucaaradka, ururada bulshada rayidka ah iyo hogaamiyaasha diinta ku cadaadinayaan madaxweyne Robert Mugabe inuu xilka iska cazilo.

11/17/2017 12:43 AM EST
Jimco, November. 17, 2017 (HOL) – Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa dhaq dhaqaaq militari ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Bari oo ay ka dagaalamaan kooxo isugu jira Al-shabaab iyo Daacish.