4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 16, 2017
Xisbiga WADANI oo joojiyey wada shaqayntii ay la lahaayeen guddiga Doorashooyinka

 

Khamiis, November 16, 2017 (HOL)- Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI ayaa sheegay inay joojiyeen wada shaqayntii ay la lahaayeen gudida doorashooyinka Qaranka.

Xisbiga WADANI ayaa sheegay inay cabashooyin badan oo ay u gudbiyeen Komishanka Doorashooyinku iska dhago mariyeen ay go’aan sadeen inay joojiyaan wada shaqayntii ay la lahaayeen Komishanka Doorashooyinka.

“Doorashadii 13-ka bisha ka dhacday oo ay ahayd insidii caadada ahayd ay noqoto  doorasho xor iyo xalaal ah, waxaa soo baxday oo guddida doorashaduna iska dhaga mariyeen cabashooyin badan oo xisbigaa Waddani u soo gudbiyey, doorashaduna  way ka baxday xor iyo xalaaltii waxaana gobolo badan oo wadanka ka mid ah ka dhacday ku shubasho baahsan markii aanu u gudbinay guddida doorashaduna waxay  kaga jawaabeen aamusnaan.”ayuu yidhi Cismaan Af gaab oo ah gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga WADANI.

Waxaanu intaas ku daray “Waxaanu ku war gelinaynaa dhamaan wakiilada xisbiga inay hakiyaan wada shaqaynta guddida doorashada inta xisbigu go,aan ka soo saarayo, xisbiga ayaanu wakiil ka nahay shaqo ayaanan wakiil uga nahay, shaqadaasi haday u socon waydo si sax ah go’aanka kama dambaysta ah waxa iska leh madaxda xisbiga, laakiin waxaanu cadaynaynaa inaanan sii wadi Karin shaqada madaxduna ay go’aan ka gaadhi doonto.”

Guddida doorashooyinka ayaa laga sugaya jawaab ay ka bixiyaan go’aanka xisbiga WADANI soo jeediyey, iyadoo ilaa hada socoto tirintii sanaaduuqda oo dib loo hubinayo, iyado gobol walba dib loo hubinayey si xisbi walba loo qanciyo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.