4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 16, 2017
Midowga Africa oo war ka soo saaray xaalada dalka Zimbabwe

 

Khamiis, November, 16, 2017 (HOL) – Ururka midowga Africa ayaa waxa ay sheegeen in la wareegida ay militariga la waregeen awoodda Zimbabwe ay tahay afgambi.

Bayaan uu soo saaray madaxa midowga Afrika, Alpha Conde oo sidoo kale ah madaxwaynaha Guinea ayaa ugu baaqay ciidamada Zimbabwe in ay tilaabooyiinka ay wadaan ay joojiyaan.

Militariga Zimbabwe ayaa beeniyay in ay sameeyeen afgambi militariga .

Waxa ay sheegeen in ay bartilmaameedsanayaan dambiilayaal ku hareereysan madaxwayne Robert Mugabe.

Madaxwaynaha Koonfur Afrika ,Jacob Zuma, ayaa sheegay in Mr Mugabe uu u sheegay in uu xabsi guri ku jiro.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe, Antonio Guterres, ayaa dhankiisa ugu baaqay dhamaan dhinacyada dalka Zimbabwe in ay is xakameeyaan.

Tillaabada militariga ayaa waxa ay ka dambeysay ka dib markii shaqada laga ceyriyay madaxwayna ku xigeenkii Zimbabwe Emmerson Mnangagwa.

Mr Mnangagwa ayaa waxa uu loolan adag kula jiray xaaska madaxwayne Mugabe, Grace Mugabe,oo labaduba ay doonayeen in ay badalaan Mugabe oo 93 jir ah.

BBC