Gollaha Amaanka oo muddo Sanad ah ku kordhiyay waqtiga qaadista cunaqabteynta hubka ee Soomaaliya
Arbaco, 15, 2017 (HOL) – Gollaha Amaanka Qaramada Midoobey ayaa ku dhawaaqay
in mudo Hal Sano ah lagu kordhiyay qaadista cuna qabeynta hubka ee saaran
Soomaaliya.
Ilaa iyo 11 ka mid ah xubnaha Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa
u codeeyay in ilaa 15ka November 2018 in cunaqabateynta Hubka ay sii saarnaato
Soomaaliya.
Waxaa ay sheegeen in xilligan ay Soomaaliya ka jiraan dhibaatooyin kala duwan
sida dagaalka Al-Shabaab, islamarkaana ay hanaanka qafiifinta cunaqabateynta saaran
Soomaaliya dib loo eegi doono.
Waxaana isla kulankaas lagu mamnuucay dhoofinta Dhuxusha Soomaaliya iyo in
Hubka sharci darrada ah la mariyo biyaha Soomaaliya.
15-ka December 2018 la gaarsiiyay heshiiska kooxda dabagalka Soomaaliya iyo
Eritrea ee Qaramada Midoobey,waxaana looga codsaday in ay sii wadaan shaqadooda
baaritaannada u badan.
Kooxda ayaa dhawaan warbixin ay saareen ku sheegeen in Dhuxusha laga dhoofiyo
Soomaaliya ay lacag badan ka sameeyaan Al-shabaab.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]