3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 14, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Guddi dhaqaalle ka soo Ururiyay Soomaalida Kenya iyo Uganda

 

Talaado, November, 14, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta la kulmay culima’udiinka Soomaaliyeed iyo guddigii dhaqaale uruurinta ka waday dalalka Kenya iyo Uganda.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa Guddiga guddigii dhaqaale uruurinta ee dalalka Kenya iyo Uganda uga mahad celiyey kaalintii ay ka qaadteen gurmadkii dadkii ay waxyeelada ka soo gaartay dhacdadii Zoobe, waxaana uu ku ammaanay isxil qaanka ay sameeyeen.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya, ayaa culimada Soomaaliyeed kala hadlay siddii ay kaalin uga qaadan lahaayeen wacyi-gelinta bulshada iyo in ay ka qeyb qaataan dagaalka dowladda ay kula jirto Al-shabaab.

Culima’udiinka Soomaaliyeed iyo guddigii dhaqaale Ururrinta ka waday dalalka Kenya iyo Uganda, ayaa maanta soo gaaray Magaaladda Muqdisho, iyaggoo Guddiga gurmad Qaran ku wareejiyey $350-Kun oo dollar oo laga soo uruuriyey Soomaalida Kenya iyo $53-Kun oo dollar oo laga soo Ururiyey Soomaalida ku nool Uganda, si loo gaarsiiyo dadkii wax yeelada ay ka soo gaartay Qaraxii Zoobe ka dhacay 14kii October.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
11/14/2017 7:31 AM EST
Talaado, November 14, 2017 (HOL)- Codbixintii shalay loo dareeray ayaaa si nabadgalyo ah ku soo dhamaaday, waxaana xalay-ba la dhamaystiray tirintii codadka mushariinta, iyago la sugaya uun sanaaduuqda meelaha fog fog la geeyey in dhamaantood ku soo xaroodaan xarumaha Komishanku ku leeyahay goboladda.

11/14/2017 7:24 AM EST
Talaado, November, 14, 2017 (HOL) – Bil ayaa ka soo wareegtay Qaraxii lagu hoobtay ee 14kii bishii October ee ina dhaaftay ka dhacay Isgoyska Zoobe, waana qaraxii ugu weynaa oo Taariikhda soo mara Soomaaliya.

11/14/2017 6:55 AM EST
Talaado, November, 14, 2017 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya deegaanka lagu magacaabo Weydoow ee dulleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay weerar Ismiidaamin ah oo gaari loo adeegsaday.

11/14/2017 6:14 AM EST
Talaado, November, 14, 2017 (HOL) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ilaa shan weerar oo cirka ah oo ay ka geysatay gudaha dalka Soomaaliya ku dishay 40 dagaalyahan oo ka tirsanaa Ururrada Al-shabaab iyo Daacish.

11/14/2017 5:29 AM EST
Talaado, November, 14, 2017 (HOL) –Dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashaneeysa Bangiga Adduunka ayaa daahfurtay wareeggii 1-aad ee barnaamij maalgelin shaqo abuur ah....

11/14/2017 1:42 AM EST
Talaado, November, 14, 2017 (HOL) – Markii ugu horreysay muddo lixdan sanno ah xulka kubadda cagta ee waddanka Talyaaniga ayaa ku guuldarraystay inuu u soo baxo ciyaaraha Koobka Adduunka.

11/14/2017 1:18 AM EST
Talaado, November, 14, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo xalay ka qeybgallay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aan marnaba dhaxdhaxaad laga noqon karin marxalada uu maanta dalku marayo.

11/14/2017 12:38 AM EST
Talaado, November, 14, 2017 (HOL) – Soomaaliland guud waxaa hawada laga saaray adeegyada Internetka oo ay bulshadu isticmaalaan sida Facebook,Twitter,Viber,Imo iyo qaar kale kadib markii ay soo dhamaatay doorashada maanta ay u dareereen shacabka Somaliland.

11/14/2017 12:30 AM EST
Talaado, November, 14, 2017 (HOL) – Munaasabad ay haweenka Soomaaliyeed tageero ugu muujinayaan ciidamada qalabka sida ee Soomaliyeed oo ay soo qabanqaabisay wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaradaha ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

11/14/2017 12:22 AM EST
Talaado, November, 14, 2017 (HOL) –Waxaa lagu wadaa in goor dhaw oo maanta ah ka soo degaan garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho diyaarad ka imaaneysa Turkiga, taasi oo sida 10 ka mid ah dhaawacyadii Bishii October loo qaaday dalka Turkiga kuwaa oo la sheegay in ay xaaladooda caafimaad wanaagsan tahay.

11/14/2017 12:14 AM EST
Talaado, November, 14, 2017 (HOL) - Tirinta codadkii maanta laga dhiibtay doorashada madaxtinimada Soomaaliland ayaa billaabatay kaddib markii dadku ay shalay codadkooda dhiibteen.