4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 14, 2017
Sanaaduuqdii doorashooyinka Somaliland oo gaaray xarumihii Komishanka

 

Talaado, November 14,  2017 (HOL)- Codbixintii shalay loo dareeray ayaaa si nabadgalyo ah ku soo dhamaaday, waxaana xalay-ba la dhamaystiray tirintii codadka mushariinta, iyago la sugaya uun sanaaduuqda meelaha fog fog la geeyey in dhamaantood ku soo xaroodaan xarumaha Komishanku ku leeyahay goboladda.

Dadweynaha reer Somaliland ayaa ku mashquulsan sidii wax uga ogaan lahaayeen codadku halkay u badan yihiin iyo xisbiga guusha leh, hasse ahaatee wali natiijo sax ah lama soo saarin, iyadoo hore Komishanku warbaahinta uga mamnuucay in wax saadaal ah iyo hor dhac natiijo aan ka soo bixin Komishanka aan la baahin, taas ayaa keentay in qof walba ka gaabsado in natiijooyin aan la hubin la shaaciyo.

Xisbiyadda ayaa iyagu horeba ugu sii diyaar garoobay inay sida ugu dhakhsiyaha badan u heli lahaayeen codadka , waxaanay samaysteen xarumo iyaga u gaar ah oo ay ku xisaabsadaan gobol walba codadka ka helaan, iyagoo Muraaqibiintoodda Mobiladoodda loogu shubay Barnaamij uu ku soo dirayo goobta uu joogo tiradda xisbigooddu ka helay.

Goob kasta oo doorasho ka dhacayso waxa jooga saddex qof oo matalaya saddexda xisbi iyo kormeere u jooga ururada bulshadad, kuwaas oo iyaga laftooduna codadka goob kasta ka war haya.

Sidaas darteed inta aanay guddida doorashooyinku ku dhawaaqin marka goob kasta habeenkiiba la tiriyo waxay muraaqiibintu markiiba usoo dirayaan xisbiyaddii ay ka socdaan, waxaanay wararku sheegayan in xisbiyadda iyo Komishankuba tiradii codadka hayaan, haseyeeshee la doonayo in la hubiyo oo sanduuqii muran ka dhasha iyo goobtii uu xisbi ka cawdaba dib loo eego si xisbi walba loo qanciyo, marka wixii muran ka yimaado iyo cabasho ka yimaado la xaliyo uun lagu dhawaaqi doono natiijadad rasmiga ah.

Hasse ahaatee dadweynaha ayaa iyagu raba in ay iyagu sii ogaadaan, waxaanay dadku la xidhiidhayaan xisbiyadda iyo qof walba qofkii uu ka garanayey goobaha doorashaddu ka dhacday taas oo uu isku xisaabsanayo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.