4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 14, 2017
Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay dulleedka magaalada Muqdisho

 

Talaado, November, 14, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka lagu magacaabo Weydoow ee dulleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay weerar Ismiidaamin ah oo gaari loo adeegsaday.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in gaari NOAHA oo uu waday qof Ismiidaamiye ah uu halkaa ku qarxay, waxaana wararku intaa darayaan in gaarigu damacsanaa in uu bartilmaameedsado ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo halkaa marayay.

Qof ka tirsan dadka deegaanka oo u waramayay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in uu arkay gaariga oo ku qarxay meel cidlo ah kaddib markii ay halkaa ka dhaafeen gadiid ay la socdeen ciidamada AMISOM.

Khasaaraha qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid ku koobnaa oo kaliya qofkii Ismiidaamiyaha ahaa oo halkaa ku geeriyooday.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay taliska AMISOM oo la sheegay in ciidamadooda lagu beegsaday weerarka is qarxinta ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]