4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 14, 2017
Ra’iisal wasaare Kheyre ‘’ Dadka dowladda diidan iyo Al-shabaab waxba kuma kala duwana

 

Talaado, November, 14, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo xalay ka qeybgallay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aan marnaba dhaxdhaxaad laga noqon karin marxalada uu maanta dalku marayo.

Isaga oo la hadlayay dadkii ka soo qeybgalay munaasabada oo ay haweenka Soomaaliyeed ku muujinayeen sida ay u barbartaagan yihiin ciidamada qalabka sida ayuu sheegay ra’iisal wasaare Kheyre in dowladdu marnaba raali ka noqon doonin sida uu hadalka u dhigay dhaqamada Al-shabaab iyo dadka dowladda ka soo horjeeda.

“In lagu ciyaaro sharafta dadka Soomaaliyeed ma dhex dhexd bad ka noqoneysaan, in uu Al-shabaab nagu dhex noolaado ma dhex dhexad baad ka noqoneysan, in hooyooyinkeena la laayo ma dhex dhexad baad ka noqoneysaa , waa in aad ka soo baxdaan guryaha oo aad dagaalka ka qeyb gashaan si caruurteena ay Sharaf ugu noolaadaan ayuu yiri Kheyre”

Ra’iisal wasaaraha ayaa intaa ku darray in dadka ka soo horjeeda dowladda iyo Al-shabaab waxba ku kala duwaneyn, waxaana uu intaa raaciyay dhamaan laga wada shaqeeyo sidii loo soo celin lahaa sharaftii Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan khudbad uu ka jeedinayay kulan dadweyne oo lagu qabtay magaalada Muqdisho sheegay in shaqsiyaadka iyo siyaasiyiinta mucaaradsan dowladda aheyn kuwo hadda soo bilaawday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]