4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 14, 2017
Adeegii baraha bulshada oo laga jaray Soomaaliland sababo la xiriira shaacinta natiijada doorashada

 

Talaado, November, 14, 2017 (HOL) – Soomaaliland guud waxaa hawada laga saaray adeegyada Internetka oo ay bulshadu isticmaalaan sida Facebook,Twitter,Viber,Imo iyo qaar kale kadib markii ay soo dhamaatay doorashada maanta ay u dareereen shacabka Somaliland.

Shirkadaha bixiya adeegyada Internetka sida Telesom, Somtel iyo Somcable ayaa Aqbalay codsi uga yimid guddiga doorashada Soomaaliland.

Ka saarista hawada Baraha Bulshada ayaa timid kaddib markii la soo xirey inta badan goobaha codbixinta  oo ay dhamaatay doorashadii maanta ay u dareereen shacabka ku nool deegaanada Somaliland maamusho.

Waxaa socta tirintii codadka doorashada iyadoo  maalmaha soo socda lagu wado in guddiga doorashadu shaaciyaan natiijada kama danbeysta ah.

Guddiga doorashada ayaa gelinkii dambe ee maanta shaaciyay in si ammaana ah ay doorashadii ku dhacday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]