4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 14, 2017
Haweenka Soomaaliya oo taageero u muujinaya ciidamada xoogga dalka


Talaado, November, 14, 2017 (HOL) – Munaasabad ay haweenka Soomaaliyeed tageero ugu muujinayaan ciidamada qalabka sida ee Soomaliyeed oo ay soo qabanqaabisay wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaradaha ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo munaasabada ka hadlay ayaa kula dardaarmay haweenka Soomaaliyeed in ay hormuud u noqdaan dagaalka dalka lagula jiro Al-shabaab, wuxuna xusay in haweenku ay yihiin bad-baadiyaha Qaranka kaalin muuqatana ka soo qaateen halgankii xorriyadda iyo xiliyadii adkaa ee dalku soo maray.

“Haweenku waxey leeyihiin Taariikh Weyn oo dhanka halganka iyo Xornimo doonkii dalka, waxaana loo baahan yahay in aad hormuud ka noqotaan xoreynta dalka, ma aqbali karno in Al-shabaab maalin walba uu dilaan dad Soomaaliyeed oo waxba galabsan, waa in aan kuligeen u istaagnaa difaaca Qaranka” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha oo la hadlayay haweenka Soomaaliyeed.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in Xukuumadda ka go’an tahay dumarku in ay door fir-fircoon ku yeeshaan siyaasadda iyo go’aamada lagu hagayo dalka.

“Go’aanka ah in 30% kuraasta Xildhibaannada Baarlamaanka loo qoondeeyo haweenku waa tillaabo dhaxalgal ah oo loo qaaday dhanka wanaajinta doorka dumarku ugu qaadanayaan gaarista go’aamada muhiimka u ah dalka, hadda wixii ka dambeeyana waxaan ka shaqeyn doonaa in dumarku ay helaan fursado ka badan kuwii hore” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye iyo guddoomiyaha haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin ciidamadda qalabka sida, kana qeyb qaadanayaan dagaalka lagu xoreynayo dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]