4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 13, 2017
DAAWO: Shir heer qaran ah oo looga hadlayay nabadgelyada iyo tayeynta Booliska oo Kismaayo ka furmay


Isniin, November, 13, 2017 (HOL) –Shirkan oo ay ka qeybgalayaan masuuliyiinta wasaaradaha amniga heer qaran ilaa heer dowlad goboleed, saraakiil ka socotay laamaha ammaanka dalka iyo AMISOM,  ayaa maanta ka furmay magaalada Kismaayo.

Shirkan oo intii uu socday diiradda lagu saarayay arimo ku saabsan nabadgelyada guud ee dalka, iskaashiga laamaha ammaanka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada iyo weliba sidii loo tayeyn lahaa ciidamada booliska Soomaaliyeed.

Shirka markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta uga warbixiyay wasiirka amniga Jubaland Mudane C/rashiid Xasan Cabdi Nuur.

Halkan ka daawo:

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.