Isniin, November, 13, 2017 (HOL) – Mareykanka ayaa kordhiyay weerarada Cirka
ah oo lagu bartilmaameedsanayo Ururada Al-shabaab iyo Daacish ee ka dagaalama gudaha dalka
Soomaaliya.
24 saac ee la soo dhaafay Mareykanku waxaa uu gudaha dalka Soomaaliya uu ka geystay Saddex weerar oo duqeyn cirka ah oo lala eegtay Al-shabaab iyo Daacish.
Weerarradii ugu dambeeyay ee Maraykanku uu ka fuliyay Soomaaliya, ayaa waxaa
ka qeyb-qaatay ciidamada dowladda Soomaaliya ee sida gaarka ah u tababar.
Weerarka hore ayaa dhacay Sabtidii waxaana diyaaradaha
Mareykanka ay beegsadeen goob ay ku sugnaayeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab
sida ay xaqiijiyeen taliska Mareykanka ee Africa, waxaana uu ka dhacay meel u
dhow Buulo Gaduud, oo ku dhawaad 250 miles dhinaca Koonfur Galbeedka ka
xigta caasimada Muqdisho.
Weerarka ila maalintii Sabtidii waxaa uu ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose meel magaalada
Muqdisho u jirta 40 miles .
Halka weerarka Saddexaadna uu dhacay maalintii shalay [Axad], kaa oo lagu
bartilmaameedsaday Ururka Daacish ee ka dagaalama Puntland.
Mareykanka ayaa u muuqda mid gacan militari ku siinaya dagaalka ka dhanka ah
Al-shabaab ciidamada dowladda Soomaaliya kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]