3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 13, 2017
Mareykanka oo kordhiyay duqeynta cirka ah ee lagu beegsanayo Al-shabaab

 

Isniin, November, 13, 2017 (HOL) – Mareykanka ayaa kordhiyay weerarada Cirka ah oo lagu bartilmaameedsanayo Ururada Al-shabaab iyo Daacish ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.

24 saac ee la soo dhaafay  Mareykanku waxaa uu gudaha dalka Soomaaliya uu ka geystay Saddex weerar oo duqeyn cirka ah oo lala eegtay Al-shabaab iyo Daacish.

Weerarradii ugu dambeeyay ee Maraykanku uu ka fuliyay Soomaaliya, ayaa waxaa ka qeyb-qaatay ciidamada dowladda Soomaaliya ee sida gaarka ah u tababar.

Weerarka hore ayaa dhacay Sabtidii waxaana diyaaradaha Mareykanka ay beegsadeen goob ay ku sugnaayeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab sida ay xaqiijiyeen taliska Mareykanka ee Africa, waxaana uu ka dhacay meel u dhow Buulo Gaduud, oo ku dhawaad 250 miles dhinaca Koonfur Galbeedka ka xigta caasimada Muqdisho.

Weerarka ila maalintii Sabtidii waxaa uu ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose meel magaalada Muqdisho u jirta 40 miles .

Halka weerarka Saddexaadna uu dhacay maalintii shalay [Axad], kaa oo lagu bartilmaameedsaday Ururka Daacish ee ka dagaalama Puntland.

Mareykanka ayaa u muuqda mid gacan militari ku siinaya dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ciidamada dowladda Soomaaliya kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
11/13/2017 11:01 AM EST
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa meel mariyay Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga madaxa -banaan la dagaalanka Musuqmaasuqa kaddib kulan ay ku yeesheen xildhibaannada magaalada Muqdisho.

11/13/2017 9:19 AM EST
Isniin, November 13, 2017 (HOL)- Saddexda Musharax ee xisbiyadda Somaliland iyo madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa ka codeeyey xarunta hay’adda shaqaalaha ee badhtamaha magaaladda Hargeysa.

11/13/2017 8:10 AM EST
Isniin, November, 13, 2017 (HOL) –Shirkan oo ay ka qeybgalayaan masuuliyiinta wasaaradaha amniga heer qaran ilaa heer dowlad goboleed, saraakiil ka socotay laamaha ammaanka dalka iyo AMISOM, ayaa maanta ka furmay magaalada Kismaayo.

11/13/2017 7:20 AM EST
Isniin, November, 13, 2017 (HOL) – Guud ahaan marka la eego deegaannada Soomaaliland waxaa si habsami leh uga soconaya doorashada madaxweynaha oo wali waxaa la arkayaa dadka oo safaf dhaadheer ku jira si ay codkooda u dhiibtaan.

11/13/2017 6:35 AM EST
Isniin, November, 13, 2017 (HOL) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa meel mariyay Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga madaxa -banaan la dagaalanka Musuqmaasuqa kaddib kulan ay ku yeesheen xildhibaannada magaalada Muqdisho.

11/13/2017 5:08 AM EST
Isniin, November, 13, 2017 (HOL)-Qaramada Midoobey ayaa ku eedeeysay ciidamada dowladda Kenya ee ku sugan Soomaaliya in ay lacag badan ka qaataan Dhuxusha laga dhoofiyo gobolka Jubbada Hoose, taasina ay halis ku ku tahay hanaanka Amniga Soomaaliya.

11/13/2017 2:34 AM EST
Isniin, November, 13, 2017 (HOL) – Soomaalida dagan Magaalada Atlanta ee xarunta gobolka Georgia, ayaa xalay iskugu timid xaflad lagu taageeraayo Ahmed Hassan oo 7-dii bishaan November, mar kale ku guuleysatay Golaha deegaanka Xaafada Clarkston ee degmada DeKalb ee Magaalada Atlanta.

11/13/2017 2:21 AM EST
Isniin, November, 13, 2017 (HOL) – Soomaaliland guud ahaan maanta marka la eego mas’uuliyiin iyo shacab intaba waxaa loo dareeray doorasho taariikhi ah oo bulshada reer Soomaliland ku soo xulanayaan madaxweynahoodii Shanaad.

11/13/2017 1:22 AM EST
Isniin, November, 13, 2017 (HOL) – Dhulgariir xoog badan oo cabirkiisu yahay 7.3 ayaa ku dhuftay xadka waqooyiga ku yaalla ee u dhexeeya Iiraan iyo Ciraaq, kaas oo dilay in kabadan boqol ruux.

11/13/2017 1:03 AM EST
Isniin, November, 13, 2017 (HOL) – Madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa walwal ka muujiyay dagaallada ka bilaawday qeybo ka mid ah gobollada dalka gaar ahaan gobolka Shabeellaha dhexe oo uu ka arimiyo maamulka uu madaxweynaha ka yahay.

11/13/2017 12:43 AM EST
Isniin, November, 13, 2017 (HOL) – Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Howlwadaag mid ka mid ah ergadii soo doortay xildhibaannada baarlamaanka oo lagu magacaabi jiray Xasan Jaciir.

11/13/2017 12:33 AM EST
Isniin, November, 13, 2017 (HOL) – Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay soo baxayeen warar sheegaya in gadiid qaraxyo sida soo galleen magaalada Muqdisho ayaa waxaa arintaan beeniyay taliska ciidamada booliiska Soomaaliyeed.

11/13/2017 12:20 AM EST
Isniin, November 13, 2017 (HOL)- Dadweynaha reer Somaliland ayaa hiirtii waaberi u dareeray codeynta doorashadda madaxtooyadda ka dhacaysa Somaliland, taas oo loo qorsheeyey in bisha November 13-keedda ka dhacdo.