4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 13, 2017
Qaramada Midoobey oo eedeyn u jeedisay ciidamada Kenya

 

Isniin, November, 13, 2017 (HOL) -- Qaramada Midoobey ayaa ku eedeeysay ciidamada dowladda Kenya ee ku sugan Soomaaliya in ay lacag badan ka qaataan Dhuxusha laga dhoofiyo gobolka Jubbada Hoose, taasina ay halis ku ku tahay hanaanka Amniga Soomaaliya.

Kooxda Dabagalka Qaramada Midoobey ayaa Warbixin ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada dowladda oo laga rabay in ay ka hortaggaan dhuxushaasi oo ay dhoofiyaan Al-Shabaab Balse taasi badalkeeda in ay ka qaataan lacag.

Qaramada Midoobey waxa ay sheegtay in ciidamada Kenya ay Jawaankii Dhuxul ah ee ka dhoofaya Dekedda Kismaayo iyo Buur-Gaabo ee Jubada Hoose ay ku leeyihiin $2 Dollar.

Sidoo kale Kooxda ayaa xustay in ka badan $10 Milyan oo Dollar -ka Mareykanka ah in Al-Shabaab ay ka helaan dhoofinta Dhuxusha Sanadkiiba.

Waxaa ay sheegeen in Beesha Caalamka laga doonaayo in ay arintaasi wax ka qabtaan maadaama Al-Shabaab ay halkaasi ka helaan lacago badan.

Qaramada Midoobey ayaa Shan Sano ka hor ku dhawaaqday in la mamnuucay dhoofinta dhuxusha Soomaaliya waxaana joojinteeda loo xil saaray ciidamada AMISOM oo inta badan jooga koofurta iyo bartamaha Soomaaliya iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]