4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 13, 2017
Maxey ka dhiggan tahay doorashada Soomaaliland

 

Isniin, November, 13, 2017 (HOL) – Soomaaliland guud ahaan maanta marka la eego mas’uuliyiin iyo shacab intaba waxaa loo dareeray doorasho taariikhi ah oo bulshada reer Soomaliland ku soo xulanayaan madaxweynahoodii Shanaad.

Codeynta ayaa bilaabatay 7:00 Subaxnimo ee saakay sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka guddigga doorashada Saciid Cali Muuse, waxaana muuqata in ilaa iyo hadda wax walba ku socdaan siddii loogu talagalay.

Arrimaha la yaabka leh ee doorashadani xambaarsan tahay waxaa ka mid ah in markii ugu horeysay Qaarada Africa oo idil qalab casri ah loo isticmaalayo doorashadan oo si looga fogaado in ku shubasho dhacdo waxaa goobaha codbixinta la dhigay qalab aqoonsanaya Idhaha codbixiyayaasha oo qofna suurtagal uma ah in uu mar kale codeeyo.

Aaladahan ayaa waxaa la geeyay 1,642 goob doorasho, kuwaas oo ku kala yaalaa 21-da deegaan-doorasho ee Somaliland.


Tartan adag ayaa dhaxmari doona Xisbiyada Kulmiye, WADANI iyo UCID oo ah saddexda Xisbi Qaran ee Soomaaliland.

Inkastoo saddexda musharax Buuse Biixi Cabdi, C/raxmaan Cirro iyo Feysal Cali Waraabe  mid walba oo ka mid ah uu soo bandhigay dacyaadihiisa doorasho siweynna ugu dagaalamayo guusha haddana waxaa ka go’an dhamaantood in doorashadu si nabad-galyo ah ku soo dhamaato, waxaana ay bulshada u muujiyeen kalsooni kaddib markii fagaaraha lagu arkay iyaga oo gacmaha is heysta.

Doorashadan oo ah mid siweyn isha loogu wada hayo ayaa dhinaca kale marka la eego la oran karaa waa mid xoojin doonta ama qeyb ka ah Kiisaska Dimuquraadiyaddeed ee dadka reer Soomaaliland ku raadinayaan Aqoonsi caaalami ah madaama ay ku dhawaaqeen in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale sanadkii 1991kii.

 

Waa doorashadii saddexaad oo shacabka reer Soomaaliland si xor ah u soo dooranayaan hogaankooda sare, waxaana la oran karaa doorashadan waxaa ay uga dhigtan tahay  hormar laga gaaray dhinaca Dimuquraadiyada iyo in lagu soo jeediyo Idhaha caalamka intiisa kale gaar ahaan Qaarada baaqa mudadda dheerba soo jiray la xiriira gooni- isku-taagga iyo Ictiraaf raadinta Soomaaliland

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]