3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 13, 2017
Dhulgariir ku dhuftay Iiraan iyo Ciraaq oo dilay 100 ruux

 

Isniin, November, 13, 2017 (HOL) – Dhul-gariir xoog badan oo cabirkiisu yahay 7.3 ayaa ku dhuftay xadka waqooyiga ku yaalla ee u dhexeeya Iiraan iyo Ciraaq, kaas oo dilay in kabadan boqol ruux.

Ugu yaraan 129 ruux ayaa ku dhintay gobolka Kermanshah ee galbeedka dalka Iiraan, sida ay mas'uuliyiin u sheegeen warbaahinta dawladda.

Afar ruux oo kale oo dheeri ah ayaa la sheegay in ay ku dhinteen Ciraaq. Waxay u badan tahay in dhimashadu ay intaas ka sii badato.

Dhulgariirka ayaa jahwareer abuuray, dadkuna waxay billaabeen in ay guryahooda ka cararaan oo ay wadooyinka tagaan.

Masaajidda caasimadda Ciraaq ee Baqdaad ayaa salaad iyo duco laga billaabay iyadoo codbaahiyeyaal la adeegsanayo.

Qaar badan oo ka mid ah dadka ay waxyeeladu soo gaartay waxay ku sugnaayeen magaalada Sarpol-e Zahab oo 15km u jirta xadka labada dal, sida uu telefeshinka dawladda iiraan ee IRINN u sheegay madaxa gurmadka degdegga ah ee Iiraan, Pir Xuseen Koolivand,

Burburkana waxaa laga soo sheegay illaa siddeed tuulo, sida uu sheegay madaxa bisha cas ee Iiraan Morteza Salim.

BBC













Click here
11/13/2017 11:01 AM EST
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa meel mariyay Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga madaxa -banaan la dagaalanka Musuqmaasuqa kaddib kulan ay ku yeesheen xildhibaannada magaalada Muqdisho.

11/13/2017 9:19 AM EST
Isniin, November 13, 2017 (HOL)- Saddexda Musharax ee xisbiyadda Somaliland iyo madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa ka codeeyey xarunta hay’adda shaqaalaha ee badhtamaha magaaladda Hargeysa.

11/13/2017 8:10 AM EST
Isniin, November, 13, 2017 (HOL) –Shirkan oo ay ka qeybgalayaan masuuliyiinta wasaaradaha amniga heer qaran ilaa heer dowlad goboleed, saraakiil ka socotay laamaha ammaanka dalka iyo AMISOM, ayaa maanta ka furmay magaalada Kismaayo.

11/13/2017 7:20 AM EST
Isniin, November, 13, 2017 (HOL) – Guud ahaan marka la eego deegaannada Soomaaliland waxaa si habsami leh uga soconaya doorashada madaxweynaha oo wali waxaa la arkayaa dadka oo safaf dhaadheer ku jira si ay codkooda u dhiibtaan.

11/13/2017 6:35 AM EST
Isniin, November, 13, 2017 (HOL) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa meel mariyay Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga madaxa -banaan la dagaalanka Musuqmaasuqa kaddib kulan ay ku yeesheen xildhibaannada magaalada Muqdisho.

11/13/2017 5:51 AM EST
Isniin, November, 13, 2017 (HOL) – Mareykanka ayaa kordhiyay weerarada Cirka ah oo lagu bartilmaameedsanayo Ururada Al-shabaab iyo Daacish ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.

11/13/2017 5:08 AM EST
Isniin, November, 13, 2017 (HOL)-Qaramada Midoobey ayaa ku eedeeysay ciidamada dowladda Kenya ee ku sugan Soomaaliya in ay lacag badan ka qaataan Dhuxusha laga dhoofiyo gobolka Jubbada Hoose, taasina ay halis ku ku tahay hanaanka Amniga Soomaaliya.

11/13/2017 2:34 AM EST
Isniin, November, 13, 2017 (HOL) – Soomaalida dagan Magaalada Atlanta ee xarunta gobolka Georgia, ayaa xalay iskugu timid xaflad lagu taageeraayo Ahmed Hassan oo 7-dii bishaan November, mar kale ku guuleysatay Golaha deegaanka Xaafada Clarkston ee degmada DeKalb ee Magaalada Atlanta.

11/13/2017 2:21 AM EST
Isniin, November, 13, 2017 (HOL) – Soomaaliland guud ahaan maanta marka la eego mas’uuliyiin iyo shacab intaba waxaa loo dareeray doorasho taariikhi ah oo bulshada reer Soomaliland ku soo xulanayaan madaxweynahoodii Shanaad.

11/13/2017 1:03 AM EST
Isniin, November, 13, 2017 (HOL) – Madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa walwal ka muujiyay dagaallada ka bilaawday qeybo ka mid ah gobollada dalka gaar ahaan gobolka Shabeellaha dhexe oo uu ka arimiyo maamulka uu madaxweynaha ka yahay.

11/13/2017 12:43 AM EST
Isniin, November, 13, 2017 (HOL) – Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Howlwadaag mid ka mid ah ergadii soo doortay xildhibaannada baarlamaanka oo lagu magacaabi jiray Xasan Jaciir.

11/13/2017 12:33 AM EST
Isniin, November, 13, 2017 (HOL) – Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay soo baxayeen warar sheegaya in gadiid qaraxyo sida soo galleen magaalada Muqdisho ayaa waxaa arintaan beeniyay taliska ciidamada booliiska Soomaaliyeed.

11/13/2017 12:20 AM EST
Isniin, November 13, 2017 (HOL)- Dadweynaha reer Somaliland ayaa hiirtii waaberi u dareeray codeynta doorashadda madaxtooyadda ka dhacaysa Somaliland, taas oo loo qorsheeyey in bisha November 13-keedda ka dhacdo.