4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 13, 2017
Madaxweyne Waare oo walwal ka muujiyay dagaallada ciidamada dowladda iyo Al-shabaab

 

Isniin, November, 13, 2017 (HOL) – Madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa walwal ka muujiyay dagaallada ka bilaawday qeybo ka mid ah gobollada dalka gaar ahaan gobolka Shabeellaha dhexe oo uu ka arimiyo maamulka uu madaxweynaha ka yahay.

Madaxweyne Waare ayaa muujiyay in maamulkiisa wax watashi ah lagala sameyn dagaallada ka socda deegaanno hoostaga degmada Balcad gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Basra oo dagaallo culus ciidamada dowladda kula galleen Al-shabaab.

‘’Inkastoo ciidamadu ay ku shaqeynayaan Amarkii madaxweyne Farmaajo oo dagaalka Iclaamiyay, haddana dagaalku wuxuu u baahan yahay wadatashi iyo in hal fikir laga wada qaato, sidda ay hadda dagaalladu ku socdaan gaar ahaan deegaanka Basra runtii Annaga ka maamul ahaan waxaan ka qabnaa walwal aad u weyn, waxaanan jeclaan laheyn in tallada dib loogu noqdo, ayuu yiri’’ madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.

Waare ayaa intaa ku darray in haddii aan arrintaa leysaga iman oo wadatashi laga yeellan ay ka dhalan karaan dagaallada hadda socda dhibaatooyin faro badan.

Diyaarado dagaal ayaa dhawaan lagu waramayaa in ay duqeyn ka geysteen qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana la sheegay in duqeyntaa lagu bartilmaameedsaday Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]