4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 13, 2017
Mid ka mid ah Ergadii soo doortay xildhibaannada oo xalay lagu dilay Muqdisho

 

Isniin, November, 13, 2017 (HOL) – Koox hubeysan ayaa xalay ku dilay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Howlwadaag mid ka mid ah ergadii soo doortay xildhibaannada baarlamaanka oo lagu magacaabi jiray Xasan Jaciir.

Xarrakada Al-shabaab ayaa sheegatay dilka nabadoonka oo ka mid ahaa ergadii soo doortay xildhibaannada baarlamaanka ee ka soo jeeda maamulka Hirshabeelle.

Al-shabaab oo war kooban soo dhigtay Bogga ay Internetka ku leeyihiin waxaa ay sheegeen in Marxuumka la dilay uu maalmihii ugu danbeeyayba ku  howlanaa diyaarinta Ilaalo u gaar ah mid ka mid ah gabdhaha xildhibaannada ah ee laga soo doortay magaalada Jowhar.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha hay’addaha Amniga dowladda federaalka oo ka hadlay dilka nabadoonka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]