4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 13, 2017
Shacabka Somaliland oo safaf dhaadheer ugu jira goobaha codbixinta doorashada


Isniin, November 13, 2017 (HOL)- Dadweynaha reer Somaliland ayaa hiirtii waaberi u dareeray codeynta doorashadda madaxtooyadda ka dhacaysa Somaliland, taas oo loo qorsheeyey in bisha November 13-keedda ka dhacdo.

Guud ahaan shacabka Somaliland ayaa sii weyn oo qiiro ku jirto usoo wada baxay, kuwaas oo safaf aad u dhaadheer u galay sidii codkooda u dhiiban lahayeen, waxaana dadka qaar ii sheegeen in xalay habeen badhkii ay safka sii galeen, qaarkoodna salaadii subax ku tukadeen oo ay sidaas safka ku galeen.

Guddida doorashooyinka ayaa sheegay in dhamaan gobolada ay sifiican uga bilaabantay codeyntii, waxaana si rasmiya loo furay goobaha codeynta toddobadii subaxnimo.

Deegaanadda xuduudda Itoobiya iyo Somaliland ku teedsan waxa soo buux dhaafiyey dad reer Somaliland oo kaadhadhka codeynta qaatay balse ku nool Itoobiya, taas oo xisbiyadda ka soo daad guraynayeen xuduudaha, kuwaas oo loo diyaariyey Taandhooyinkii ay ku seexan lahaayeen iyo cuntooyinkii ay cunni lahaayeen si ay u codeeyaan, sidoo kale magaalooyinka waaweyn dadkii aan kaadhadhka ka qaadan ayaa dib loogu celiyey deegaannadii ay kaadhadhka codbixinta ka qaateen si ay u codeeyaan.

Si kastaba ha ahaatee, jawiga ay codbixintu ku bilaabantay ayaa ah mid degan, isla markaana dadku aad ugu soo baxeen, iyadoo lagu qiyaasay dadka codeynaya in ka badan toddoba boqol oo kun oo coodbixiye.

Sidoo kale, guud ahaan goobaha laga codeyn doonno ayaa lagu qiyaasay inay dhan yihiin 1642 goobood, waxa goob walba ku sugan hawl-wadeenadii Komishanka, saddex muraaqibiin oo ka socda saddexda xisbi iyo kormeerayaasha gudaha iyo caalamiga ah.

Doorashadan waxa la dooran doono madaxweynihii shanaad ee Somaliland yeelato, waxaanay noqonaysa doorashaddii ugu adkeyd ee Somaliland soo mara, madaama oo laga yaabo in aan tiro badan la iskaga badin,isla markaana xisbiyaddu aad iskugu dhowaadaan.

Dhinaca kale, gabi ahaanba waxa la joojiyey gaadiidkii magaaladda dhex soconayey si amniga loo adkeeyo, waxaana jidadka maraya uun gaadiid kooban oo waraaqdii dhaq dhaaqa ka haysta guddida doorashooyinka, sidoo kale waxa heegan la galiyey ciidamada kala duwan si amniga loo adkeeyo,isla markaana dadka dadka safafka dhaadheer ku jira aanay iskugu dhicin ama khalkhal is qabqabsi u iman.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.