4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 12, 2017
Madax ka socotay wasaaradaha amniga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo Kismaayo gaaray


Axad, November, 12, 2017 (HOL) -Wafdigan oo uu horkacayay agaasimaha guud ee wasaaradda amniga gudaha Mudane Yuusuf Max’ed Cali islamarkaana ay ka qeyb ka ahaayeen, la taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca amniga, madaxda wasaaradaha amniga dowlad goboleedyada dalka, Gudoomiye kuxigeenka gobolka Banaadir, sarakiil ka socotay laamaha ammaanka dalka iyo masuuliyiin kale ayaa soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Wafdigan ayaa u yimid ka qeybgalka shir socon doona mudo sedex maalmood ah, kaa oo looga hadli doono arimaha ammaanka dalka, sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka amniga Jubaland.

Mudane C/rashiid Xasan Cabdi Nuur Wasiirka amniga Jubaland iyo madax kale oo ka tirsan dowlad goboleedyada Jubaland ayaa xubnaha wafdiga kusoo dhaweeyay garoonka Kismaayo.

Agaasimaha guud ee wasaaradda amniga gudaha dowladda dhexe Mudane Yuusuf Max’ed Cali ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay u yimaadeen in ay uga qeybgalaan shir looga hadli doono amniga qaranka, kaa oo la filayo in maalinta berito ah uu ka furmo Kismaayo, waxa uu sheegay in uu rajeeynayo in shirkaasi ay kasoo bixi doonaan waxyaabo dan u ah umadda Soomaaliyeed.

Beri ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu soo gaaro wasiirka wasaaradda amniga gudaha Mudane Max’ed Abuukar Ducaale Isloow, si uu u daahfuro shirka amniga qaranka ee ka furmi doona Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.