3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 12, 2017
NUUX TAANI “Waxaan ogahay in xadka Somaliland uu sugan yahay, cid ku soo xadgudbi kartaana ma jirto”

 

Axad, November 12, 2017 (HOL)- Taliyaha guud ee ciidamada Militariga Somaliland Gen: Nuux Ismaaciil Taanni ayaa sheegay inuu xadka Somaliland xidhan yahay,isla markaana aanay jirin dhibaato ka jirta dhinaca Maamulka Puntland.

Nuux Taanni ayaa sheegay in aanay wax khilaaf ahi ka jirin Somaliland iyo Puntland,isla markaana waxa uu ka digay in hadii dhibaato ka dhaco xadka cid kale ka faa’iidan karto.

“Puntland jaar baanu nahay oo ma doonayno in wax dhibaato ah naga dhex dhacdo, khilaafka labadda naga dhex dhacaana waxa uu abuuri karaa inay dad kale ka faa’iidaystaan”ayuu yidhi Taliye Nuux Taanni.

Waxa kale oo uu sheegay inuu xadka Somaliland sugan yahay oo aanay jirin cabsi ka jirta iyo dhibaaato ka dhici kartaa, waxaanu yidhi “ waxaan ogahay in xadka Somaliland uu sugan yahay, cid ku soo xadgudbi kartaana ma jirto, cidii ku soo xadgudubtay waa cid badheedhay maamulkaasi puntland kama filayno, hadalka warbaahinta la marinayo iyo siday wax u jiraan way kala duwan yahay, illaa hadda wax dhibaato ah oo weyn ma hayno.”

Hadalkan waxa uu jawaab u yahay hadal ka soo yeedhay maamulka Puntland oo sheegay in aanay doorasho ka dhici Karin goboladda Sool iyo Sanaag, taas oo sababtay in ciidamadii xadka joogay heegan la galiyey si ay u ilaaliyaan in aanay dhibaato ka dhicin goobaha doorashaddu ka dhacayso.

Dhinaca kale, Somaliland waxa loo diyaar garoobay doorashada maalinta Barri ka dhici doonta, waxaana magaaladda Hargeysa ilaa maanta ka baxayey dad faro badan oo ka soo codeynayey deegaanadii ay kaadhadhka ka qaateen, isla markaana markasta oo doorasho dhacdo badi dadweynuhu waxay dib ugu noqdaan deegaanadoodii oo ay ka soo codeeyaan, waxaana gabi ahaanba la xidhayaa gaadiidka oo wax gaadiid ahi aanay Barri ka shaqayn doonin magaaladda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.













Click here
11/12/2017 10:54 AM EST
Axad, November, 12, 2017 (HOL) -Wafdigan oo uu horkacayay agaasimaha guud ee wasaaradda amniga gudaha Mudane Yuusuf Max’ed Cali islamarkaana ay ka qeyb ka ahaayeen....

11/12/2017 7:51 AM EST
Axad, November, 12, 2017 (HOL) - Wasaarrada arrimaha dibada Mareykanka ayaa howlgalka midowga Africa AMISOM weydiisatay in ay ku sii nagaadaan dalka Soomaaliya oo aysan ka bixin, madaama wali ay jirto khatar dhinaca nabad-galyada ah.

11/12/2017 7:08 AM EST
Axad, November, 12, 2017 (HOL) - Xiisad Colaadeed ayaa ka bidhaamaysa Barriga Gobolka Sool kaddib markii ciidamo Puntlan ka socda la keenay degaano aanay horay u joogi jirin oo ka tirsan degmada Taleex.

11/12/2017 3:19 AM EST
Axad, November, 12, 2017 (HOL) - Afhayeenka dhinaca howlgalada u qaabilsan Al-shabaab Cabdicasiis Abuu-Muscab ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo lagu sheegay in ay bur buriyeen saldhigii ugu ballaarnaa Al-shabaab ee degmada Jilib gobolka Jubbada dhexe.

11/12/2017 3:12 AM EST
Axad, November, 12, 2017 (HOL) - Degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa lagu soo bandhigay Labo Nin oo dhalinyarro ah oo ku eedeysan in ay ka tirsnaayeen Ururka Al-shabaab, sidoo kale waxaa la soo bandhigay hub iyo Agab kale oo la sheegay in lagu qabtay.

11/12/2017 12:58 AM EST
Axad, November, 12, 2017 (HOL) – Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay ay soo baxayeen warar sheegaya in uu jiro weerar Al-shabaab la damacsan yihiin garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo Xarunta Xalane, ayaa waxaa arintaa beenisay dowladda Soomaaliya oo sheegtay in howlaha garoonka diyaaradaha caadi u socdaan.

11/12/2017 12:45 AM EST
Axad, November, 12, 2017 (HOL) – Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa ay soo saartay jawaabtii ugu horraysay ee ay ka bixisay booqashada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku marayo qaaradda Aasiya.

11/12/2017 12:28 AM EST
Axad, November, 12, 2017 (HOL) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay khasaare ballaaran lagu gaarsiiyay Al-shabaab weeraro is daba joog ah iyo duqeyn ka dhacday gobollada Baay iyo Shabeellaha Dhexe.

11/12/2017 12:12 AM EST
Axad, November, 12, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo maalintii shalay shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga oo ay ka qeybgalleen Wakiillo ka kala socday beesha caalamka ayaa dalbaday in laga gacan siiyo dowladda dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

11/12/2017 12:03 AM EST
Axad, November, 12, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaal culus oo leysku adeegsaday noocyada kala duwan ee hubka galinkii danbe ee shalay uu halkaa ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.