4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 12, 2017
Mareykanka oo dalbaday in ciidamada AMISOM sii joogaan Soomaaliya

 

Axad, November, 12, 2017 (HOL) - Wasaarrada arrimaha dibada Mareykanka ayaa howlgalka midowga Africa AMISOM weydiisatay in ay ku sii nagaadaan dalka Soomaaliya oo aysan ka bixin, madaama wali ay jirto khatar dhinaca nabad-galyada ah.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in aysan habooneyn in ciidamada AMISOM ka baxaan dalka Soomaaliya xili Al-shabaab ay kordhayeen weerarrada Isqarxinta ah.

‘’Ma taageerneyno in ay hadda ka baxaan ciidamada AMISOM dalka Soomaaliya, ilaa awood u yeeshaan ciidamada dowladda Soomaaliya hanashada Amniga gudaha’’ sidaa waxaa yiri Wohlers Marion oo ah sarkaal ka tirsan xafiiska arrimaha dibada ee Mareykanka.

Taliska AMISOM ayaa dhawaan sheegay in dabayaaqada sanadkan ka saarayaan dalka Soomaaliya ilaa 1,000 Askari oo ka mid ah howlgalka midowga Africa AMISOM.

Baaqa Mareykanka ee ah in ciidamada AMISOM sii joogaan Soomaaliya ayaa imanaya xili Mareykanku kordhiyay weerarada cirka ah oo ay ka geysanayaan qeybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya, iyaga oo sheegay in weeraradii ugu danbeeyay ku dileen 100 dagaalamayaasha Al-shabaab ka tirsan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]