4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 12, 2017
Dhalinyaro ku eedeysan in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab lagu soo bandhigay degmada Luuq

 

Axad, November, 12, 2017 (HOL) - Degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa lagu soo bandhigay Labo Nin oo dhalinyarro ah oo ku eedeysan in ay ka tirsnaayeen Ururka Al-shabaab, sidoo kale waxaa la soo bandhigay hub iyo Agab kale oo la sheegay in lagu qabtay.

Ragga la soo bandhigay oo lagu kala magacaabo Cali Cabdi Mursal iyo Maxamed Cabdi Saalax ayaa la sheegay in ay qariteen in ay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab, hubka lagu soo qabtayna ay doonayeen in ay wax yeello ku geeystaan waa sida ay maamulka sheegeen.

Maamulka degmada Luuq ayaa waxaa ay soo bandhigeen Bambooyin, Taleefoonada Yar Yar iyo Fiilooyin badan oo ay doonayeen sida la sheegay in ay qaraxyada ku xir xiraan.

Gudoomiyaha degmada Luuq Maxamed Cismaan Xuseen Ganey ayaa warbaahinta u sheegay in raggan waqti badan ay daba taagnaayeen ugu dambeyna ay u suuragashay inay gacanta ku soo dhigaan.

Siyaad C/qaadir Muxumed Taliyaha ammaanka Degmada Luuq ayaa sheegay inay jiraan xubno kale oo Shabaab ka tirsan, kuwaasi oo ciidamada ammaanka weli ay ku raad joogaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]