Axad, November, 12, 2017 (HOL)
– Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa ay soo saartay jawaabtii ugu horraysay
ee ay ka bixisay booqashada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku marayo
qaaradda Aasiya.
Bayaanka ayaa waxaa gaashaanka loogu daruuray waxa ay ugu yeertay
booqashada loogu durbaan tumayo dagaalka, taas oo aanan ka hor istaagi doonin
Waqooyiga dhismaha barnaamijkeeda Nukliyeerka.
Dhanka kale Donald Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray in uu la yaaban
yahay sababta hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu u aflagaadeeyay kaddib markii uu
yiri waa nin da' ah, hasayeeshee uusan weligii cay ugu jawaabayn oo uusan
oranayn waa "nin gaaban oo buuran".
Bayaankeedii rasmiga ahaa ee ugu horreeyay ee ay dowladda Kuuriyada
Waqooyi ka bixiso booqashada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku marayo
qaaradda Aasiya, ayey Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Waqooyiga waxa ay ku
sheegtay in ay booqashadan muujinayso inuu ku raadinayo dagaal dhanka nukliyeer
ah.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in hadallada aan ka fiirsiga laheyn ee uu ku
dhawaaqayo ninka da'da ah ay dalkaasi ku sii dhiirigelinayaan inuu sii wado
dhismaha barnaamijkiisa nukliyeerka.
Madaxweyne Trump oo ku sugan waddanka Vietnam ayaa bartiisa Twitter-ka ugu
soo jawaabay hadalka Kuuriyada Waqooyi isagoo su'aal galiyay sababta uu u
aflageedaynayo Kim Jong-un oo uu ugu yeerayo inuu yahay nin da' ah, isagoo
sheegay in uusan weligii ninkaasi ugu yeeri doonin inuu yahay nin gaaban oo
buuran.
Labada dhinac ayaa waxaa u dhaxeeyay dagaal dhanka ah afka ah tan iyo
markii Trump uu bilaabay booqashada uu ku marayo Aasiya.
Madaxweyne Trump ayaa ugu yeeray Kuuriyada Waqooyi inuu ka taliyo maamul
qaraar, waxa uuna ka digay in aanay dhayalsan Mareykanka, hasayeeshee qaabka uu
uga hadlayo Pyongyang ayaa ah mid deggan ilaa iyo haatan.
Bayaanka ka soo baxay Kuuriyada Waqooyi ayaa muujinaya in aanay ka
tanaasulayn tijaabada hubkeeda.
Trump-na waxa uu u muuqdaa inuusan dib isaga celinayn inuu gadaal u riixo
Kuuriyada Waqooyi.
BBC