4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 12, 2017
Dowladda Mareykanka oo sheegtay in khasaare lagu gaarsiiyay Al-shabaab duqeyn cirka ah

 

Axad, November, 12, 2017 (HOL) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay khasaare ballaaran lagu gaarsiiyay Al-shabaab weeraro is daba joog ah iyo duqeyn ka dhacday gobollada Baay iyo Shabeellaha Dhexe.

Samantha Reho oo ah Afhayeen u hadashay taliska Mareykanka ayaa sheegtay weerararo dhacay Sabtidii iyo Jimicihii lala beegsaday xubno muhiim oo ka tirsan Al-Shabaab.

Waxaa ay sheegtay in howlgalladii ka dhacay gobolada Baay iyo Shabeelaha Shexe Al-Shabaab lagu gaarsiiyay Khasaare ballaaran, islamarkaana la beegsaday goobo ay ku shirsanaayeen.

“Howlgallo dhacay 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaan ku dilnay ku dhawaad Boqol dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab’’ ayaa lagu sheegay war ka soo baxay Mareykanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay sheegtay in howlgal ay ciidamadeeda Amnigu ay sameeyeen lagu dilay xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab, sidoo kalena lagu burburiya xero ay al-Shabaab ku leeyihiin degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Wasiirka warfaafinta ee dowladda Soomaaliya Cabdriaxmaan Yariisow ayaa ayaa sheegay in Weerar qorshaysan oo hay’adaha amniga ay ka fuliyeen degmada Jilib gaar ahaan xarunta qaraxyada lagu dilay 81, isla markaana lagu burburiyay tiro baabuurta dagaalka iyo waliba hubka culus.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]