4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 12, 2017
Dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhaxmaray gobolka Baay

 

Axad, November, 12, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaal culus oo leysku adeegsaday noocyada kala duwan ee hubka galinkii danbe ee shalay uu halka ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ciidamo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo ku sii jeeday magaalada Baydhabo ay jidka u galeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

Dagaalka oo qaatay saacado dhowr ah , waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo gaaray.

Ilaa iyo hadda lama ogga tiradda rasmiga ah ee dagaalkaasi ku dhimatay, laakiin warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dagaalkaasi ay ku dhinteen 6 qof oo ah dhinacyadii dagaallamay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa dhawaan ku dhawaaqay in ciidamada Ammaanka laga doonaayo in ay qaadaan tilaabooyin lagu furaayo wadooyinka gobolka Baay.

Al-shabaab ayaa go’doomiyay degaanno badan oo ku yaalla maamulka Koonfur Galbeed, taasoo caqabad ku noqotay nolasha shacabka ku dhaqan qaar ka mid ah deegaannada gobollada Baay iyo Bakool.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]