4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 11, 2017
Dhalinyaro Kismaayo looga furay tababar ku saabsan dowlad wanaagga iyo xallinta khilaafaadka


Sabti, November, 11, 2017 (HOL) – Tababarkan oo ay si wadajir ah usoo qabanqaabiyeen wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Jubaland iyo machadka nabadda Soomaaliya islamarkaana socon doono mudo laba maalmood ah ayaa dhalinyarada lagu bari doonaan dowlad wanaagga iyo xallinta khilaafaadka.

Tababarka ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ka socday ururrada dhalinyarada iyo haweenka Jubaland.

Agaasimaha machadka nabadda Soomaaliya Mudane Max’ed Cabdi Jaamac oo ka hadlay furitaankii tababarka ayaa sheegay in ujeedku yahay in dhalinyarta la baro dowlad wanaagga iyo weliba sida loo xalliyo khilaafaadka bulshada dhexdeeda ah.

Ku simaha wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Jubaland Mudane C/waaxid Axmed Yare oo daahfuray tababarka ayaa kula dardaarmay dhalinyarada in ay ka faa’iideeystaan casharrada la siin doono.

Waxa uu sheegay in tababarkani ahmiyad gaar ah u leeyahay dhalinyarada, isagoo xusay in la doonayo in dhalinyarada kaalin weyn ka qaatay xallinta khilaafaadka bulshada dhexdeeda ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.