Ra'iisal wasaare Kheyre oo shir guddoomiyay kulan ay ka qeybgaleen wakiilada beesha caalamka
Sabti, November, 11, 2017 (HOL) – Ra’iisul
wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta shir guddoomiyaya kulan looga hadlayey
howlgalka ciidamada ee ka socda qeybo ka mid ah dalka gaar ahaan labada gobol
ee Shabeellaha Hoose iyo Dhexe.
Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee
Qaramada Midoobey, Michael Keating, Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika
Francisco Madiera, Safiirka Midowga Yurub Veronica Lorenzo, Safiirada UK, US,
Uganda, Ethiopia, Italy, China, Kenya iyo madaxa Bankiga Adduunka ee
Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa ka qeybgalay Wasiiro iyo Guddoomiyaha guddiga difaaca
golaha shacabka Xuseen Carab Ciise iyo marti sharaf kale.
Ra’iisal wasaaraha oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa ka hadlay n horumarka
dhanka amniga ah ee la gaaray isagoo sheegay in shirkii London ee bishii May,
dhammaan howlihii lagu heshiiyey ay Dowladda Federaalka sameysey welina wado
qorshaha hubinta dib u dhiska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Wasaarada gaashaandhiga ayaa khubaro iyo wasiir ku xigeenka u dirtay
gobollada dalka oo lagu soo tiro koobayey ciidamada xoogga dalka Soomaaliya laguna
dhiirigelinayey howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Ra’iisul wasaaraha ayaa u sheegay beesha caalamka in Soomaaliya ay diyaar u
tahay soo celinta Amniga iyo kala danbeynta, ugana mahadceliyey beesha caalamka
doorkooda ku aadan xasilinta dalka.
Kheyre ayaa ka codsaday beesha caalamka inay fursadan hadda jirta ee shacabka
uu diyaarka u yahay in lala dagaalo kooxaha argagaxisada ah looga baahanyahay
inay waxii
kaalmo ah si deg-deg ah ula soo gaaraan ciidamada dowlada iyo kuwa
AMISOM si loo dar-dargeliyo howlgalada lagu jihaadayo argagaxisada.
Waxaa uu sidoo kale u mahad celiyay wadmada ciidamada ka joogaan Soomaaliya
iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inay kaalin mug leh uga qaataan dagaalada
lagula jiro kooxaha argagaxisada ah.
Ra’iisal wasaaraha ayaa ugu danbeyntii sheegay in Dowladda Federaalka iyo dowladdaha
xubnaha ka ah ay isla meel dhigeen hirgelinta Istraatejiyada Amniga Qaranka oo
shirkii golaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya la islameel dhigay dhammaan
qorsheyaasha Amniga dalka kuna heshiiyey in si adag looga wada qeyb-qaato
howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]