Sabti, November, 11, 2017 (HOL) – Xoghaya arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex
Tillerson ayaa uga digay dalalka dariska la ah Lubnaan inaysan colaad ka hurin
Lubnaan, kadib markii xiisad ay ka dhalatay iscasilaadii ra'iisal wasaarihii
Lubnaan, Sacad Alxariiri.
Mr Tillerson ayaa sheegay in
maleeshiyaadka kooxaha hubeysan ee shisheeye aysan gudaha Lubnaan uga furneyn
dowr faragalineed oo sharci ah, isaga oo hadalkaasi uga dan lahaa xulafada
Lubnaan ee, iyo kooxda hubeysan ee Shiicada ah ee Xisbulaah.
Ra'iisal wasaare Xariiri ayaa
six un u dhalleeceeyay labadaba kaddib markii uu uga dhawaaqay inuu iscasilay
Sacudi Carabiya.
Xisbulaah ayaa sheegeysa in
Sacudi Carabiya ay xirtay Mr Xariiri ayna ku qasabtay inuu iscasilo. Basle Mr
Tillersio ayaa sheegay in loo xaqiijiyay in Mr Xariiri aanan la xirin
Marakankuna uu taagersan yahay dowlada madaxbanaan oo ah Lubnaan.
Xogahayana guud ee Qaramada
Midoobay Antonio Guterras, ayaa ka digay colaad hor leh oo ka dhalata Lubnaan
ay cawaaqib xun ka dhalan doonto.
BBC