3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 11, 2017
Taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka hadlay dagaal culus oo ay la galleen Al-shabaab

 

Sabti, November, 11, 2017 (HOL) – Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed guullo wax ku ool ah ka soo hooyeen dagaaallo culus oo ay la galleen xoogagga Al-shabaab ee ku sugan gobollada Labada Shabeelle.

Abaanduulaha ayaa sheegay in dagaalladii ugu danbeeyay ee dhacay ay ku bur buriyeen saldhigo Al-shabaab ay ku lahaayeen gobollada Shabeellaha hoose iyo Shabeellaha dhexe, isaga oo intaa ku darray in saldhigyada ay ciidamadu la wareegeen qaarkood ahaayeen kuwii laga soo abaabuli jiray sida uu hadalka u dhigay weerarada.

‘’Annagu waxaa uu qorshaheenu yahay in aan gaarno dhamaan deegaannada ay ku sugan yihiin Al-shabaab ka hor inta aysan roobabku si wanaagsan uga curran labada gobol’’ ayuu yiri Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka.

Dhinaca kale, dagaal culus oo maalintii shalay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha dhexe ayeey sheegeen Al-shabaab in ay dib u qabsadeen deegaanno markii hore lagala wareegay.

Howlgaladan ayaa xoogeystay kaddib markii dhawaan madaxweynaha dowladda Soomaaliya uu ku dhawaaqay in la qaadayo duulaan ka dhan ah Ururka Al-shabaab

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
11/11/2017 10:06 AM EST
Sabti, November 11, 2017 (HOL)- Saddexda musharax ee u tartamaya doorashada madaxtooyadda Somaliland ayaa dadweynaha codka bixinaya ku wargalinayey in ololihii xisbiyadu dhamaadaan,isla markaana iyagoo u kala qaybsanayn xisbiyadu ay codkooda dhiibtaan,isla markaana qof waliba xisbiga uu doonayo uu codka siiyo.

11/11/2017 8:36 AM EST
Sabti, November, 11, 2017 (HOL) – Tababarkan oo ay si wadajir ah usoo qabanqaabiyeen wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Jubaland iyo machadka nabadda Soomaaliya islamarkaana socon doono mudo laba maalmood ah ayaa dhalinyarada lagu bari doonaan dowlad wanaagga iyo xallinta khilaafaadka.

11/11/2017 7:41 AM EST
Sabti, November, 11, 2017 (HOL) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta shir guddoomiyaya kulan looga hadlayey howlgalka ciidamada ee ka socda qeybo ka mid ah dalka gaar ahaan labada gobol ee Shabeellaha Hoose iyo Dhexe.

11/11/2017 7:04 AM EST
Sabti, November, 11, 2017 (HOL) – Wadaadka mudadda dheer xabsi guriga ku ah magaalada Muqdisho Sheekh Xassan Daahir Aweys kana mid ahaa saraakiishii sar sare ee Ururka Al-shabaab kaddib markii uu bur buray Ururkii uu madaxda ka ahaa Xisbul Islaam ayaa fariin u diray dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaaho Farmaajo.

11/11/2017 5:21 AM EST
Sabti, November, 11, 2017 (HOL) – Dowladda Kenya ayaa soo bandhigtay magacyadda Sawirrad xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ay dooneyso dowladda Kenya.

11/11/2017 4:51 AM EST
Sabti, November, 11, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Basra ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in duqeyn xalay ay halkaa ka geysteen diyaarado dagaal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab.

11/11/2017 3:38 AM EST
Sabti, November, 11, 2017 (HOL) – Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa daah furay shirka wadatashiga wasaaradaha arrimaha gudaha, dib u heshiisiinta iyo gobolka Banaadir.

11/11/2017 1:09 AM EST
Sabti, November, 11, 2017 (HOL) – Xoghaya arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson ayaa uga digay dalalka dariska la ah Lubnaan inaysan colaad ka hurin Lubnaan, kadib markii xiisad ay ka dhalatay iscasilaadii ra'iisal wasaarihii Lubnaan, Sacad Alxariiri.

11/11/2017 12:51 AM EST
Sabti, November, 11, 2017 (HOL) – Taliyaha qeybta booliiska Jubbada hoose maamul Jubbaland G/Sare Maxamed Naasir Guulleed ayaa sheegay in ciidamada Puntland ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan Askari ka tirsanaa ciidamada Puntland oo Gabar Soomaaliyeed Xabad uga dhuftay xubinta Taranka kaddib markii ay ka diiday sida la sheegay in uu Kufsado.

11/11/2017 12:37 AM EST
Sabti, November, 11, 2017 (HOL) – Wararka ka imanaya gobolka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay xalay duqeyn ka geysteen deegaan 7 KM u jira degmada Balcad.

11/11/2017 12:20 AM EST
Sabti, November, 11, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayay shirka wareega nabad-galyada degmooyinka gobolka Banaadir, ayaa markii ugu horeysay soo hadal qaaday siyaasiyiinta iyo kooxaha ku kacsan dowladda uu madaxweynaha ka yahay.