3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 10, 2017
Xisbiga WADANI oo dhoolatuskiisii ugu dambeeyey ku soo bandhigay Somaliland


Jimco, November 10, 2017 (HOL)- ololihii xisbiyadda ee saddexda toddobaad socday ayaa maanta soo gabogabowday, waxaana soo afjaray xisbiga mucaaradka ah ee WADANI oo isagu nasiib u helay inuu noqdo xisbiga ugu dambeeya ololaha asxaabta.

Ololahan ayaa 21 maalmood ka socday guud ahaan Somaliland, waxaana saddexda xisbi mid walba maalintiisa gaarka ah uu ku soo bandhigi jiray fagaarayaasha magaalooyinka waaweyn.

Xisbiga WADANI ayaa si weyn iskugu soo baxay fagaarayaasha magaallooyinka waaweyn, waxaanu sheegay in guusha xisbiga ka hadhsan tahay maalinta doorashadda.

Doorashadda ayaa la filayaa inay dhacdo maalinta Isniinta ee bisha 13-keedda, waxaana labadda cishe ka sokeeya la galaya fasax, iyadoo hawl-wadeenaddii guddida doorashooyinka la kala diray, isla markaana dugsiyadii waxbarashadda la fasaxay si xarun uga dhigtaan guddida doorashooyinka,isla markaana hawl-wadeenada iyo qalabkoodda loo dhigto.

Dhinaca kale, waxa maalinta doorashadu dhici doonta gabi ahaanba la joojinayaa baraha bulshadda si aan warar aan jirin loogu soo shubin, iyadoo warbaahinta looga digay in aanay warar saadaal ah iyo natiijooyin hor dhac ah oo aan ka soo bixin guddida doorashooyinka aan la baahin Karin, taas oo ku jirta xeerka anshaxa saxaafadda ee guddida doorashooyinka iyo bahda saxaafaddu kala saxeexdeen.

Doorashadan ayaa noqonaysa tii ugu adkayd ee Somaliland soo marta, isla markaana aan la saadaalin Karin maadaama oo aad iskugu dhowaanayaan, isla markaana tiro yar uun lagu kala badin karo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.













Click here
11/10/2017 7:22 AM EST
Jimco, November, 10, 2017 (HOL) - Dowladda Uganda ayaa Khamiistii sheegay in ay diyaar u yihiin in ay Soomaaliya u soo dirto ciidamo gaaraya 5, 000 oo Askari, kuwaaa oo ka madaxbanaan howlgalka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay si ay qeyb uga qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

11/10/2017 7:13 AM EST
Jimco, November, 10, 2017 (HOL) - Xukuumadda Jabuuti ayaa sheegtay in ciidamo kale oo cusub u soo direyso Soomaaliya, kuwaa oo qeyb ka noqon doona howlgalka midowga Africa AMISOM.

11/10/2017 5:07 AM EST
Jimco, November, 10, 2017 (HOL) - C/qaadir Warsame Axmed oo ku eedeeysnaa in 27-ka bisha October, ee sanadkan uu kufsi u geeystay gabar lagu magacaabo Fa’izo Max’ed, kana soo baxsaday deegaanada Puntland, islamarkaana mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa Kismaayo ayay gacanta ku dhigeen ciidamada Booliska Jubaland.

11/10/2017 4:52 AM EST
Jimco, November, 10, 2017 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa mar kale uga digay Soomaaliland doorasho ka dhacda gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn , sida lagu sheegay qoraal ay soo saareen gollaha wasiirada Puntland oo ku shiray magaalada Garoowe.

11/10/2017 2:09 AM EST
Jimco, November, 10, 2017 (HOL)– Diyaaradaha dagaalka Maraykanka ayaa lagu waramayaa in duqeyn ay ka geysteen Khamiistii shalay gobolka Baay ku dileen tiro ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab.

11/10/2017 1:47 AM EST
Jimco, November, 10, 2017 (HOL) – Yuusuf Axmed Ciyoow oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Galmudug, islamarkaana guddoomiye u ahaa xildhibaannadii xilka ka qaaday madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay faah faahin dheeraad ah ka bixiyay kulan uu la qaatay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

11/10/2017 1:28 AM EST
Jimco,November 10, 2017 (HOL)- Wareegii u dambeeyey ee kaltanka ololaha xisbiyadda Somaliland ayaa gabogabo ah, waxaana ololihiisii doorasho soo afjaray maalintii shalay Xisbiga kulmiye, halka xisbiga WADANI uu maanta soo afjarayo ololihiisa doorasho.

11/10/2017 1:23 AM EST
Jimco, November, 10, 2017 (HOL) – Golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa mar kale u doortay in uu ka mid ahaado garsoorka guud ee mxkamadda dembiyada caalamiga ee ICC.

11/10/2017 1:16 AM EST
Jimco, November, 10, 2017 (HOL) – Gollaha wasiirada Soomaaliya ayaa ka digan wararka Amniga dalk qalqalgalinaya oo lagu baahiyo baraha bulshada, kaddib kulan maalintii shalay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

11/10/2017 12:57 AM EST
Jimco, November, 10, 2017 (HOL) –Howlgalka midowga Africa ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in Al-shabaab qorsheynayaan in ay weeraraan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo Xarunta Xalane oo ah saldhiga ugu weyn ee ciidamada AMISOM.