4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 10, 2017
Uganda oo ciidamo ka madaxbanaan howlgalka midowga Africa AMISOM u soo direysa Soomaaliya

 

Jimco, November, 10, 2017 (HOL) - Dowladda Uganda ayaa Khamiistii sheegay in ay diyaar u yihiin in ay Soomaaliya u soo dirto ciidamo gaaraya 5, 000 oo Askari, kuwaaa oo ka madaxbanaan howlgalka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay si ay qeyb uga qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Brig. Richard Karemire, oo ah Afhayeenka ciidamada difaaca dalka Uganda oo la hadlayay Xinhu ayaa sheegay in Uganda iyadoo matalaysa dalalka Pan-Africans-ka ah in ay diyaar u yihiin in ay ciidamo u dirto Soomaaliya .

“Waxaan mar walbo diyaar u nahay in aan tiro kasto aan u dirno Soomaaliya Uganda ahaan iyo iyo Pan-Africanis, ahaan intaba, waxaana u baahan nahay xooggaa taageero ah” ayuu yiri Karemire.

Hadalkan ka soo yeeray ciidamada Militaryga Uganda ayaa imaanaya wax kar kaddib markii wakiilka gaarka ah ee gudoomiyaha Midowga Africa u qaabilsan howlgalka AMISOM Francisco Madeira uu Talaadadii ku dhawaaqay in Kun Askari oo ka mid ah 22,000 ee ciidamada AMISOM in dalka Soomaaliya ay ka bixi doonaan 31 bisha December ee sanadkan.

Ciidamada AMISOM ayaa ka kooban ciidamo ka kala socda wadamada Uganda, Burundi, Kenya, Ethiopia iyo Djibouti, iyadoona Dalka Uganda uu leeyahay ciidamada ugu badan ee howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]