4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 10, 2017
Mareykanka oo duqeyn ku dilay dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab

 

Jimco, November, 10, 2017 (HOL) – Diyaaradaha dagaalka Maraykanka ayaa la sheegay duqeyn ay ka geysteen Khamiistii shalay gobolka  Baay ku dileen tiro ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab.

War ka soo baxay taliska Mareykanka ayaa lagu sheegay iney duqeymahaasi ka dhaceen goobo bartilmaameed ahaa, kuwaa oo lala eegtay Al-shabaab.

Warka ayaa intaa ku daraya in weerarkan uu ka dhacay meel (160 kilometers) u jirta caasimada Muqdisho laakiin laguma sheegin tirada xoogagga weerarka lagu dilay iyo haddii ay ku jiraan saraakiil.

Al-shabaab ayaa ku eedeysan in ay ka danbeeyeen Qaraxii 14 October ee sanadkan ka dhacay Zoobe oo lagu dilay ku dhawaad 400 oo ruux iyo weerarkii kale ee isla 29kii October ka dhacay hotelka Nasa-Hablood 2 ee magaaalada Muqdisho.

Mareykanka ayaa horay duqeymo noocan oo kale ah uga fuliyay qeybo ka mid ah gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaliya kuwaa oo lagu bartilmaameedsaday saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]