4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 10, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Xildhibaannadii Galmudug ee xilka ka qaaday madaxweyne Xaaf

 

Jimco, November, 10, 2017 (HOL) – Yuusuf Axmed Ciyoow oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Galmudug, islamarkaana guddoomiye u ahaa xildhibaannadii xilka ka qaaday madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay faah faahin dheeraad ah ka bixiyay kulan uu la qaatay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaan Ciyoow ayaa sheegay in madaxweynuhu uu kala hadlay xildhibaannada xiisada ka taagan Galmudug iyo in arrimaha lagu dhameeyo dib-u-heshiisiin, hasse ahaatee waxaan uu sheegay in ay ka soo horjeesteen dalabka madaxweynaha ee ah in khilaafka siyaasadeed ee jira lagu xaliyo wadahadal.

‘’Annaga waan u sheegnay madaxweynaha dariiqa aan u marnay xil ka qaadista iyo waxa jira oo dhan, wuxuu dalbaday in arinta lagu dhameeyo wadahadal iyo heshiis, balse Annaga dhinaceena waxaan u sheegnay in wixii sharci ah aan wadahadal marnaba laga galikarin ayuu yiri'' Xildhibaan Ciyoow.

Ciyoow ayaa intaa ku darray doodda xildhibaannada xilka ka qaaday madaxweyne Xaaf uu aad u soo dhaweeyay madaxweyne Farmaajo kuna balameen in mar kale dib leysugu soo laabto kulan kale.

‘’Waxaan leenahay  Dastuurku qofna ma cafiyo, Xaaf si sharci ah ayaan ku ridnay, taana wada hadal lagama galli karo ayuu hadalkiisa sii raaciyay xildhibaan Yuusuf Axmed Ciyoow.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waayadii ugu danbeeyayba ku howlanaa siddii loo dhameyn lahaa khilaafka u dhaxeeya mas’uuliyiinta maamulka Galmudug, isaga oo horay kulan ula qaatay madaxweyne ku-xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]