Jimco, November 10, 2017
(HOL)- Wareegii u dambeeyey ee kaltanka ololaha xisbiyadda Somaliland
ayaa gabogabo ah, waxaana maalintii shalay ololihiisii doorasho soo gabagabeeyay xisbiga kulmiye, halka
xisbiga WADANI la filayo in maanta Jimco ah uu soo afjaro.
Dhoolatuskii ugu weynaa ee ay ku
soo gabogabaynayeen ololaha xisbiga kulmiye ayaa lagu qabtay shalay fagaarayaasha magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.
Beerta xoriyadda ee magaaladda
Hargeysa waxaa dhoolatuska xisbiga kala qaybgalay madaxweynaha xilkiisu
dhamaanayo ee Somaliland, musharaxa xisbiga Kulmiye iyo kumanaan dadweyne ee
taageera xisbiga kulmiye oo illaa xalay aan laga kala seexan,
Taageerayaashan oo isaga yimid
daafaha kala duwan ee degmooyinka magaalada Hargeysa ka kooban tahay, ayaa
iyaga oo sida daadka u socda socod kusoo maray shaaricyada magaalada, waxana ay
markii dambe isugu soo biyo shubteen xarunta Khayriyada oo markii ay
buux-dhaaftay ay taageerayaashu safaf dhaadheer ka galeen waddooyinka kala
duwan ee xaruntaas ku hareeraysan.
Xubno ay ka mid yihiin
guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Iid Dhimbiil,
guddoomiyaha ololaha gobolka Md. Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe, wasiirrada
wasaaradaha Xannaanada Xoolaha Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, Maaliyadda
Marwo Samsam Cabdi Aadan, madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, siyaasi
Xuseen Cali Ducaale Cawil, Cabdilaahi Maxamed Ducaale iyo xubno kale oo halkaas
ka hadlay, ayaa bogaadiyey taageerayaasha KULMIYE ee caasimadda Hargeysa,
waxana ay ku adkeeyeen in ay codkooda si ka fiirsasho leh u siiyeen xisbiga ay
taageeradiisa muujiyeen.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md.
Muuse Biixi Cabdi oo khudbad uu ku soo khatimay khudbadihii uu maddadii
toddobaadka ahayd ee ololuhu socday ka soo waday gobollada iyo degmooyinka
dalka, ayaa si ballaadhan ugu mahad celiyey taageerayaasha KULMIYE, waxana uu ku
adkeeyey inay ammaanka iyo wada-jirka dhawraan xilliga codaynta.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed
Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo isagu soo afmeeray maalinta toddobaad ee ololaha
xisbiga KULMIYE, ayaa bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay codkooda siiyaan
xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa, waxana uu shaaca ka qaaday in guddoomiye
Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici yihiin laba halyey oo
uu u gartay in ay qaranka hoggaamin doonaan taladiisa kadib.
Maanta oo Jimco ah ayaa la soo gabagabeynayaa ololihii saddexda toddobaad socday, waxaana la gali doona laba
cisho oo nasasho ah kaddibna waxaa loo dareeri doonaa maalinta Isniinta
doorashadda.
Dhinaca kale, Madaxweyne
Siilaanyo ayaa safar shaqo ugu anbabaxay dalka Itooobiya, isagoo la
sheegay in maalmo kooban qaadan doonto safarkaasi.
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.