4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 10, 2017
Xisbiga KULMIYE oo soo gabagabeeyey ololihiisii doorasho


Jimco,  November 10,  2017 (HOL)- Wareegii u dambeeyey ee kaltanka ololaha xisbiyadda Somaliland ayaa gabogabo ah, waxaana maalintii shalay ololihiisii doorasho soo gabagabeeyay xisbiga kulmiye, halka xisbiga WADANI la filayo in maanta Jimco ah uu soo afjaro.

Dhoolatuskii ugu weynaa ee ay ku soo gabogabaynayeen ololaha xisbiga kulmiye ayaa lagu qabtay shalay fagaarayaasha magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.

Beerta xoriyadda ee magaaladda Hargeysa waxaa dhoolatuska xisbiga kala qaybgalay madaxweynaha xilkiisu dhamaanayo ee Somaliland, musharaxa xisbiga Kulmiye iyo kumanaan dadweyne ee taageera xisbiga kulmiye oo illaa xalay aan laga kala seexan,

Taageerayaashan oo isaga yimid daafaha kala duwan ee degmooyinka magaalada Hargeysa ka kooban tahay, ayaa iyaga oo sida daadka u socda socod kusoo maray shaaricyada magaalada, waxana ay markii dambe isugu soo biyo shubteen xarunta Khayriyada oo markii ay buux-dhaaftay ay taageerayaashu safaf dhaadheer ka galeen waddooyinka kala duwan ee xaruntaas ku hareeraysan.

Xubno ay ka mid yihiin guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Iid Dhimbiil, guddoomiyaha ololaha gobolka Md. Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe, wasiirrada wasaaradaha Xannaanada Xoolaha Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, siyaasi Xuseen Cali Ducaale Cawil, Cabdilaahi Maxamed Ducaale iyo xubno kale oo halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey taageerayaasha KULMIYE ee caasimadda Hargeysa, waxana ay ku adkeeyeen in ay codkooda si ka fiirsasho leh u siiyeen xisbiga ay taageeradiisa muujiyeen.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo khudbad uu ku soo khatimay khudbadihii uu maddadii toddobaadka ahayd ee ololuhu socday ka soo waday gobollada iyo degmooyinka dalka, ayaa si ballaadhan ugu mahad celiyey taageerayaasha KULMIYE, waxana uu ku adkeeyey inay ammaanka iyo wada-jirka dhawraan xilliga codaynta.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo isagu soo afmeeray maalinta toddobaad ee ololaha xisbiga KULMIYE, ayaa bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay codkooda siiyaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa, waxana uu shaaca ka qaaday in guddoomiye Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici yihiin laba halyey oo uu u gartay in ay qaranka hoggaamin doonaan taladiisa kadib.

Maanta oo Jimco ah ayaa la soo gabagabeynayaa ololihii saddexda toddobaad socday, waxaana la gali doona laba cisho oo nasasho ah kaddibna waxaa loo dareeri doonaa maalinta Isniinta doorashadda.

Dhinaca kale, Madaxweyne Siilaanyo ayaa safar shaqo ugu anbabaxay dalka Itooobiya, isagoo la sheegay in maalmo kooban qaadan doonto safarkaasi.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.