4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 10, 2017
Cabdiqawi oo mar kale loo doortay golaha garsoorka Maxkamadda HAUGE

 

Jimco, November, 10, 2017 (HOL) – Golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa mar kale u doortay in uu ka mid ahaado garsoorka guud ee mxkamadda dembiyada caalamiga ee ICC.

Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo maxkamaddaasi garsoore kasoo ahaa Sagaalkii Sano ee lasoo dhaafay, ayaa dib loogu doortay in uu ka mid noqdo 15-ka Garsoore ee maxkamadda .

Abuukar Daahir Cusmaan safiirka Soomaaliya u fadhiya QM ayaa sheegay in uu Garsoore Cabdiqawi ku guuleystay cod Aqlabiyad ah, iyadoo ay aad u bogaadiyeen dhammaan wakiillada 193-da waddan ee ka qayb gallay doorashadai.

Garsoore Cabdulqawi horay u soo ahaa guddoomiye ku xigeen,waxaana lagu wadaa in horraanta 2018-ka uu noqdo guddoomiye sida uu sheegay Amb, Abuukar Cusmaan.

Maxkamadda dembiyada caalamiga ee uu fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Netherland ayaa gacanta ku haysa kiiska Muranka Badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]