4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 1 , 2017
Dibad-bax uu hal Qof ku Geeriyooday oo maanta ka dhacay magaalada Bosaaso



Arbaco, November, 01, 2017 (HOL) –Inta la hubo hal qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday dibad baxyo rabshada wata oo maanta galinkii hore ka dhacay qaybo badan oo kamid ah magaalada ganacsiga Puntland ee Bosaaso.

Dibad baxyadan ayaa ka dhashay sida la sheegay xirnaanshaha dekedda Magaalada oo muddo asbuuca ah aan si caadi ah u shaqaynin iyo sara kac ku yimid qaar kamid ah maciishadaha daruuriga ah.

Ciidanka amniga magaalada Bosaaso ayaa rasaas ku kala eryay dibad baxayaasha oo xiray inta badan wadooyinka muhiimka u ah isku socodka magaalada ,waxaana gabi-ahaan-ba la xiray goobaha ganacsiyada ee magaalada.

Waddooyinka xirmay waxaa kamid ah Wadada Dheer ee xiriirisa Isgoyska Suuqa Caanaha, Xarunta Dowladda Hoose Ilaa Wadada Dheer ee Gasha Dekedda oo ka timaad-da Airporka , isla markaana soo hormarta Saldhiga bartamaha iyo hotel Bootaan.

"Halkan waxaan isugu soo baxnay inaan cabirno dareenkeena ku aadan qiimaha sicirka ee ku kordhay maciishad-da iyo waliba xirnaanshaha dekadda" ayey tiri Ayaan Cali oo kamid ah dan yarta ku xidhan dekedda.

Dhinaca kale odayaal iyo ganacsato ku  shiray magaalada Bosaaso ayaa sheegay in shirkadda DP World ay mas'uul ka tahay mushkilad-da taagan ,waxaana ay dowladda ugu baaqeen in dib loogu laabto go'aankii dekkadda lagu wareejiyay.

Ugu danbayn, Wasiirka dekadaha Puntland Siciid Maxamed Raage ayaa beeniyay wararka sheegaya in canshuur lagu kordhiyay badeecadaha ka soo dagaya Bosaaso,waxaana uu rabshadahan ku eedeeyay in ay ka danbeeyaan dad ganacsato ah oo dano kale u adeegaya.

 

Hiiraan Online News Desk