4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 1 , 2017
Dhalinyaradda Muqdishu oo kulan loogu magac daray 'Isla xisaabtan' Qabtay iyo Aqoonyahan-no ka soo Qayb-galay


Arbaco, November, 01, 2017 (HOL) –Kulan wayn oo ay isugu yimaadeen Dhalinyaradda kala duwan ee  degmooyinka Magaalada Moqdishu ayaa lagu lafa guray  cidda qaadanaysa mas’uuliyadda  xasuuqyadda is xigxiga ee shacabka degan magaaladda Moqdishu ku habsaday.  


Kulanka oo cinwaan looga dhigay “ isla xisaabtan” ayaa dhaliilo kal duwan loogu soo jeediyay  dowladda Soomaaliya.  Xasuuqii October  ee 400+ ka badan lagu dilay iyo qaraxyadda joogtada ah ee Magaaladda ka dhacaya ayay sheegeen in lagula xisaabtamo Dowalada Soomaliya. 

“ Markaad waddo kasto xirto, gaari kastana baarto ee haddana gaari xamuul ah oo 1000 qof wax yeelayna kara uu shan baro baaritaan oo ay ciidamadda dowladdu fadhiyaan ka soo gudbo waa in aad mas’uuliyadiisa qaadataa” waxaa saas yiri Dr Cumar Adan Rooble oo ka mid ahaa aqoonyahanadii soo qaban qaabiyay kulanka.

Dhinica kale, waxa kulanka su’aalo la iskaga weydiiyay qaab fikireedka iyo qaab dhaqameedka Hogaanka Soomaliya. “ markuu qaraxii weynaa 14 Octobor dhacay ee ay Soomaali oo dhan u istaagtay in wax qabasadaan intii shacabka hogaan loo noqon lahaa, waxaa lagu badalay Safaro dalalka dariska ah, Turkiga iyo in isku soo baxyo la qabto.” Waxaa saas yiri Ahmed Abdihadi oo ka mid ahaa soo qaban-qaabiyaasha kulanka.

Waxaa asna kulanka ka hadaly aqoonyahano Soomaliyeed oo dhaliil u soo jeediyay la taliyaasha madaxda Soomaaliya “ Runtii dad badan oo manta madaxweynaha ku hareersan  ma ah kuwa karti u leh ee dalka wax samata bixin kara keenikara. Yurub iyo Maraykanka ayay ku soo wareen.” Ahmed Ciisa Guutale ayaa isna sidaa yiri.

Kulanka ayaa lagu soo jeediyay talooyin ay ka midyihiin in ay dhalinyarado horseedaan is badal balaaran oo dalka ka dhaca.

Kadib xasuuqii 14 Octobor  ka dhacay magaalada Muqdishu,  waxaa  bilowday dareen iyo cabsi adag oo laga qabo in qaraxyo kaas la mid ah ay magaaladda ka dhacaan.

Ugu danbayn, aqooyahanada iyo dhallinyada ayaa wal wal ka muujiyay hugaan xumida madaxda hada talada haysa oo ay ugu horeeyaan madaxwaynaha iyo rayiisul wasaaraha iyo maarayn la aanta is-qabqabsiga siyaasadeed ee dawlad goboleedyada iyo DF.

Mustafa Husien  
[email protected]