4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 1 , 2017
Culimadda Somaliland oo ku baaqay in ololaha si nadiif ah oo diinta iyo anshaxa suuban leh ka hor imanayn loo galo ololaha

 

Arbaco, November 01,  2017 (HOL)- Guddida Wanaag farista iyo Xumaan reebista ee Somaliland, ayaa baaq ku aadan habsami u socodka ololaha doorashadda madaxtooyadda ee saddexda Xisbi ee Kulmiye, UCID iyo Waddani ay ku hirdamayaan taladda dalka ugu baaqay in laga dheeraado wax kasta oo amniga iyo dhaqanka Suuban ee Somaliland waxyeelaaya in laga fogaado inta ay doorashaddu socoto.

Guddoomiyaha guddida wanaagfarista iyo Xumaan reebista ee Somaliland Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdalle iyo xubna kale ee guddida wanaag farista, ayaa baaq ay ka soo saareen, ololaha doorashadda Madaxtooyadda Somaliland ee saddexda xisbi Qaran ku tartamayaan oo meel xaasaasi ah maraaya, waxay kula taliyeen murashaxiinta, madaxda, siyaasiyiinta iyo taageerayaasha saddexda xisbi ee UCID, Waddani iyo Kulmiye inay ka dheeraadaan wax kasta oo hadalo xanaf leh ama bulshadda kala keenaaya ama amniga Somaliland dhibaato u keenaaya inay ka fogaadaan.

“Iyada oo guddiga wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland maalmihii la soo dhaafay wecyi galinaysay bulshada ku dhaqan Somaliland, taas oo ay ku wacyi-gelinaysay ilaalinta nabad-gelyada iyo edaabta suuban, haddaba Madaxda sar sare ee Guddiga Xumaan reebista iyo Wanaag farista iyo waliba xubnaha gudigaasi, waxa ay farriin wada jir ah u dirayaan Shacbiga reer Somaliland, Musharraxiinta u tartamaya Jagada Madaxweynaha iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland, in laga dheeraado waxyaabaha ka horimanaya diinta iyo dhaqanka Suuban inta lagu gudo jiro ololaha doorashadda”ayaa lagu yidhi baaq ka soo baxay guddida wanaag farista.

Waxa intaasi ay ku dartay guddidu “Ugu dambeyntii guddida wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland waxay ilaahay uga baryayaan in doorashadda madaxtinimadda ee Somaliland ay ku dhamaato nabadgelyo iyo amni”

Dhinaca kale, culimadda waaweyn ee Somaliland ayaa la kulmay saddexda musharax ee saddexda xisbi, waxaanay ka codsadeen in kalmadaha dhiifta ah iyo kalmadaha colaadaha abuuri kara la joojiyo,isla markaana waxay usoo jeediyeen in gaadiidka hablaha iyo dumarka wada saaran ee baabuurta daaqadaha ka laalaada la joojiyo,isla markaana goobaha fagaaraha la kala sooco rag iyo dumar, waxaanay ciidanka amniga lagu amray inay gabi ahaanba ka ogolaan cid kasta oo dhaqanka iyo diinta wax aanay ogolayn ku dhaqmaya in talaabo laga qaadin.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.