4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 1 , 2017
Warar dheeraad ah oo ku saabsan Ninkii weerarka ka geystay New York


Arbaco, November, 01, 2017 (HOL) – Nin watay gaari kuwa xamuulka ah ayaa xalay dad badan ku dilay waddo aad mashquul u ah oo ku taalla magaalada New York ee dalka Mareykanka, kadib markii uu jiirsiiyay gaarigii uu watay.

Weerarkan Gaariga loo adeegsaday waxaa ku dhintay 8-qofood , waxaa sidoo kale ku dhaawacmay tiro intaas ka badan, kuwaa oo lagu daweenayo xarumaha Caafimadka.

Ciidamada Booliiska oo soo gaaray goobta uu weerarku ka dhacay ayaa caloosha ka dhaawacay ninka dadka gaariga jiirsiiyay oo sidoo kale watay biskoolado fake ah, waxaana ninkan hada lagu daweenayaa xarun caafimaad oo aad loo ilaalinayo.

Weerarkan waxaa fuliaya nin lagu magacaabo Sayfullo Saipov oo 29-sano jir ah Asal ahaana kasoo jeeda dalka Uzbekistan , ninkan ayaana xiliga uu dadka gaariga jiir siinayay ku dhawaaqayay Kalmada Allaahu Akbar.

Dowlada Mareykanka ayaa rumeesan in weerarkan uu yahay mid argagaxiso ay ka dambeeyeen kooxda Daacish, waxaana weeraro nuucan ah kooxdan horey uga geesatay Wadamo Yurub ku yaala.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]