3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 1 , 2017
New York : 8 ruux oo lagu dilay Gaari la jiirsiiyay

 

Arbaco, November, 01, 2017 (HOL) – Inta la xaqiijinayo 8 ruux ayaa lagu dilay tiro kale oo intaa ka badanna dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray, kaddib marki uu nin waday gaari kuwa xamuulka ah uu jiirsiiyay dad ku dhax socday waddo aad mashquul u ah oo ku taalla magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Duqa magaalada New York Bill de Blasio, ayaa ku tilmaamay weerarkani ficil argagixiso oo lagu bartilmaameedsaday dad rayid ah oo aanan waxba galabsan.

Gudoomiyaha gobolka New York Andrew Cuomo oo isna ka hadlay dhacdadani ayaa sheegay in aysan jirin daliil muujineysa in weerarkani uu qeyb ka yahay weerarro ballaaran oo dalka oo dhan ah.

Booliska ayaa sheegay in ninka baabuurka dadka ku dardarsiiyay New York uu ku qeylinayay “Allahu Akbar” marki uu kasoo dagayay baabuurka.

James O’Neill oo taliyaha ciidamada booliiska New York ayaa xaqiijiyay in qofka weerarka geystay caloosha laga dhaawacay isla markaana lagu daweynayo hadda isbitaal ku yaalla New Yorok. Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in qofka weerarka geystay uu ahaa Sayfullo Saipov oo ah 29 jir u dhashay dalka Uzbekistan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
11/1/2017 3:32 PM EST
Booliska waddanka Australia ayaa baaritaan kaddib helay oo aqoonsaday maydka gabar Soomaaliyeed oo aheyd kalkaaliso caafimaad taas oo tan iyo Sabtidii ay qoyskeeda La'aayeen.

11/1/2017 2:17 PM EST
Arbaco, November, 01, 2017 (HOL)- Hay’adda SOYDEN iyo Conflict Dynamics International (CDI) oo gacan ka haleya midowga Yurub ayaa tababar lagu bartay Nabada iyo Xalinta khilaafaadka waxaa ay u soo gabagabeeyeen dad ka kala socday qeybaha bulshada ku dhaqan degmooyinka Deyniile, Dherkeenley, Hodan iyo Howl-wadaag.

11/1/2017 10:12 AM EST
Arbaco, November, 01, 2017 (HOL) –Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku wareejiysay dowladda Soomaaliya 311 askari oo ay tababar saddex bilood ah ugu soo gabagabeeyeen magaaalada Muqdisho.

11/1/2017 7:36 AM EST
Arbaco, November, 01, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xarunta madaxtooyada kula shiray madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad.

11/1/2017 6:25 AM EST
Arbaco, November, 01, 2017 (HOL) –Inta la hubo hal qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday dibad baxyo rabshada wata oo maanta galinkii hore ka dhacay qaybo badan oo kamid ah magaalada ganacsiga Puntland ee Bosaaso.

11/1/2017 5:46 AM EST
Arbaco, November, 01, 2017 (HOL) –Kulan wayn oo ay isugu yimaadeen Dhalinyaradda kala duwan ee degmooyinka Magaalada Moqdishu ayaa lagu lafa guray cidda qaadanaysa mas’uuliyadda xasuuqyadda is xigxiga ee shacabka degan magaaladda Moqdishu ku habsaday.

11/1/2017 5:34 AM EST
Arbaco, November, 01, 2017 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya ciidamada dowladda la wareegeen deegaanno ay horay u maamulayaan Al-shabaab.

11/1/2017 2:35 AM EST
Arbaco, November 01, 2017 (HOL)- Guddida Wanaag farista iyo Xumaan reebista ee Somaliland, ayaa baaq ku aadan habsami u socodka ololaha doorashadda madaxtooyadda ee saddexda Xisbi ee Kulmiye, UCID iyo Waddani ay ku hirdamayaan taladda dalka ugu baaqay in laga dheeraado wax kasta oo amniga iyo dhaqanka Suuban ee Somaliland waxyeelaaya in laga fogaado inta ay doorashaddu socoto.

11/1/2017 2:26 AM EST
Arbaco, November, 01, 2017 (HOL) – Nin watay gaari kuwa xamuulka ah ayaa xalay dad badan ku dilay waddo aad mashquul u ah oo ku taalla magaalada New York ee dalka Mareykanka, kadib markii uu jiirsiiyay gaarigii uu watay.

11/1/2017 1:23 AM EST
Arbaco, November, 01, 2017 (HOL) – Guddiga difaaca baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in xildhibaanada golaha shacabka ay si deg deg ah ku horgeyn doonaan sharciga la dagaalanka argagixisada.