Khamiis, May, 04, 2017 (HOL) – Gollaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa
kulan deg deg ah oo ay caawa ku yeesheen magaalada Muqdisho waxaa ay si qota
dheer uga wada hadleen dilkii xalay magaalada Muqdisho loogu geystay alle u ha naxariistee
wasiirkii howlaha guud Cabbaas Siraaji.
Kulanka oo uu shir guddoominayay ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya
Xassan Cali Kheyre ayaa ka mid ahaa kulamadii todobaadlaha ee Khamiis walba ay
yeelan jireen gollaha wasiirada, hasse ahaatee aaska marxuumka dartii ayaa la
sheegay in caawa loo qabtay.
Wasiirka wasaarada warfaafinta xukuumada Soomaaliya Eng C/raxmaan Cumar
Cismaan Yariisoow ayaa sheegay in xubnaha gollaha wasiirada isku afgarteen in
xilka laga qaado hanti dhowrkii guud ee Qaranka Dr Nuur Faarax oo ku eedeysan in
ilaaladiisa ay toogasho ku dileen wasiir Siraaji.
Wasiir Yariisoow, ayaa intaa ku daray in xilka hanti dhowrka guud ee Qaranka
uu si ku-meel-gaar ah u sii heyn doono ku-xigeenkiisa.
Hanti dhowrkii Qaranka Dr Nuur Faarax ee xilka laga qaaday ayaa wareysi uu siiyay laanta afka
Soomaalida ee Idaacada VOA-da ku sheegay in falkaasi uu ahaa mid ku dhacay si aan
ku talagalay aheyn, hasse ahaatee uu socdo baaritaan la xiriira dilka, isaga oo
dhinaca kalana ka tacsiyeeyay geerida wasiirka.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]